Maxay Rihanna maxkamadda u geysay aabaheed? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Rihanna maxkamadda u geysay aabaheed?
January 16, 2019 - Written by Reporter:

Fanaanada caanka ah ee Rihanna ayaa aabaheed geeysay maxkamad ku taalla dalka Mareykanka, waxayna ku eedeeysay inuu si xun u isticmaalay magaceeda. si u horumar ugu sameeyo ganacsigiisa dhanka majaajilada.

Rihanna ayaa ku doodday in aabaheed Ronald Fenty iyo dad ay ganacsiga isla wadaagaan ay ka been abuureen xidhiidhka u dhaxeeya iyada iyo ganacsigooda.

Waxay dacwad oogayaashu sheegeen in ay dadweeynaha marin habaabiyeen, sidoo kalena ay dhaawac u geesteen shirkadda Rihanna ee soo saarta alaabta ay isku qurxiyaan dumarka.

Shirkadda majaajilada ee Fenty Entertainment oo laga codsaday inay arrintan ka jawaabaan ayaan wali ka hadlin.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Rihanna ay shirkado lagu diiwaan geliyay magaca Fenty ku leedahay dalka Mareykanka ayna gudbiyeen codsi rasmi ah “oo lagu joojinayo arrintan ay ku dhaqaaqeen dadka la soo dacweeyay ee ilaa hada sii wada inay khaldaan dadweeynaha,”

Rihanna waxay ku doodeysa in aabaheed uu magaceeda si xun uga fa'ideysanaayo

Mr Fenty, oo Rihanna ay sheegtay in xidhiidh xun uu kala dhaxeeyo ayaa shirkaddan ka billaabay California sanadkii 2017-kii isaga oo uu ku wehlinayay nin kale oo lagu magacaabo Moses Perkins sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

War saxaafadeed la soo saaray oo lagu qoray bogga shirkadan bilowgii sanadkii 2018-kii ayaa lagu sheegay in Rihanna ay ka soo qeyb gali doonto daahfurka furitaanka shirkadan.

Waxaa dacwadda la gudbiyay lagu sheegay in shirkadan majaajilada ee Fenty Entertainment ay heshiisyo la gashay 15 barnaamij oo la doonayay in Rihanna ay ka qeyb gasho xafladahooda, waxayna dadkaasi ka qaateen lacag gaadheysa 15milyan oo doolar, iyago oon wax fasax ah ka haysanin Rihanna.

“Inkastoo Mr Fenty uu yahay Rihanna aabeheed, ma heysto awoodda uu ku matali karo Rihanna, xaqna uma laha inuu isticmaalo magaca shirkadeeda si uu faa’idooyin uga helo,” sidaas waxaa yidhi dacwad oogayaasha.

COMMENTS
LINKS