Ciyaaryahanka Serge Aurier Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Fadeexada Loo Haysto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciyaaryahanka Serge Aurier Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Fadeexada Loo Haysto.
January 16, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Laacibka kooxda Tottenham ee Serge Aurier ayaa xabsiga loo taxaabay ka hor ciyaartii kooxdiisa guul-darradu kasoo gaadhay ee Manchester United, waxaana jeelka ku jiray saacado badan oo illaa saqdhii dhexe ee habeenimadii Axaddu soo gelaysay.

Booliska ayaa laba taleefan looga soo diray guriga uu deggan yahay Aurier ee ku yaalla Hertfordshire, waxaanay si degdeg ah u tageen hoyga 26 jirkan reer Ivory Coast, waxaanay halkaas ugu tageen isaga iyo gacalisadiisa oo isla cakiran, isla markaana ay ka cabanayso inuu gacan u qaaday.

Hencha Voigt oo ay da’deedu tahay 31, isla markaana ah xiddig kasoo muuqata telefishanada carruurta ayaa waxay u haysaa inan ay u dhashay, hase yeeshee markii guriga ay ciidamadu yimaaddeen waxa uu Aurier beeniyey inuu wax dhibaato ah jidhkeeda gaadhsiiyey inkasta oo ay gabadhu ku doodaysay inuu gacanta ula tegay.

Booliska ayaa xilli dambe sii daayey iyagoon wax xukun ah ku qaadin, sidoo kalena aan dacwad ku oogin, lamana sheegin in gabadhu fududaysay sii deyntiisa iyo in kale.

Afhayeen u hadlay booliska Hertfordshire ayaa waxa uu xaqiijiyey in laacibkan ay u xidheen shaki ah inuu tacaddiyo kula kacay gacalisadiisa, laakiin ay xili dambe sii daayeen iyagoon ciqaab kale marsiinin.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS