Musuq-maasuqa Iyo Xatooyada Xoolaha Dadweynaha In Aynu Yareyno Ama Cidhib Tirnaa Inaga Dhab Ma Tahay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musuq-maasuqa Iyo Xatooyada Xoolaha Dadweynaha In Aynu Yareyno Ama Cidhib Tirnaa Inaga Dhab Ma Tahay?
January 16, 2019 - Written by Editor:

Xukuumadii uu hogaaminayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxyaabihii aad loogu dhaliili jirey waxa ugu weynaa musuq xadhkaha goostay oo kor iyo hoosba dalka ku noqdey dullin dhiigii ka nuugey, xukuumadii Axmed Siilaanyo waxa lagu dhaliilayaa in ay tahay tii ugu musuqa badnayd ee Somaliland soo marta.

Haddaba ma inagaa raali ka ah oo waxan dooneyna shacbiyoow mise madaxdeena ayaan daacad ka aheyn waxa ay inoo sheegayaan?

Qofka wanaagsan ee danta dadka ku hawlan iyo tuuga ma kala naqaanaa, keebaa dadka dhexdiisa ku hiil badan ama sumcad ku haysta?

Xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa la timid markii ay dalka qabsatey dardar ay kula dagaalamayso musuqa dadkuna aad u soo dhaweeyeen iyada oo markii dambe loo fasirey in cid gaar ah la bartilmaameedsanayo, baadhistii iyo eedaymihii musuq-maasuqa oo dhana la laalay oo halkaa lagu joojiyey.

Wasiirkii maaliyadda ee ugu horeeyey xukuumadii Axmed Siilaanyo Eng Maxamed Xaashi waxyaabaha xilkiisa uu ku waayey sababaha ugu waaweyn waxa loo aaneeyaa in uu yidhi waxa yar ee aynu haysano dhaqaale aynu ku faro adaygno oo mashaariicda iyo qandaraasyada shirkadaha shisheeye lala galaa ha ku soo dhacaan qasnada dawlada, yaaney ku dhicin Xisaab qof leeyahay iyo mid hay’ad ama wasarad dawladeed leedahay oo gaar ah.

Gudoomiyihii dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland Maxamed Cali ( Obama ) iyo gudidii uu hogaaminayey ayaa warbixino musuq-maasuq soo saarey, kuwaasi oo aad looga qayliyey laguna fasirey in wasaarado gaar ah iyo shaqsiyaad la bartilmaameedsanayo, sidii baana lagu joojiyey.

Arinkaasi waa kii sababay in wasiirkii maaliyadda mudane samaale lagu maago, sida ilo u dhuun daloola aan ka xaqiijiyey, iyada oo loo tuhmay in uu gudigaa ka dambeeyey ama ku soo kiciyey kooxihii xukuumada kulmiye ku dhex dagaalameyey, iyo dano kale oo gaar ah oo uu ka soo horjeestay, waxaana uu Axmed Siilaanyo u magacaabay Samaale wasiirka waxbarashada, wasaaradaasi oo ahayd kuwii la sheegay in musuqa ugu badani ka dhacay, isna uu diidey in uu xilkaa qabto oo uu is casiley.

Gudoomiyihii Gudida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa mudane Axmed muxumed madar ayaa xilkii uu qaranka u hayey isaga casilay in uu dalka ka jiro musuq-maasuq xadka dhaafay intii uu xilka hayey oo dhana uu ka digayey in wax laga qabto markii cidi dhag jalaq u siin waydayna uu xilkii iska casilay sanadkii 2017kii.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bishii may 1 sanadkii 2017kii qoraalkan soo saaray isaga oo xilka ka qaadey hanti dhawrihii guud ee qaranka jamhuuriyada Somaliland, mudane maxamud aw cabdi ( maxamuud dheere )

Waxaana ay u qornayd sida tan:《”Sida aad la socotaan, waxaan ahay Mas’uul caan ku ahaa cimrigii, maamul wanaag iyo nacaybka xatooyada xoolaha ummadda. Qarankan hoggaaminayey, waxaan xooga saaray sidii loo dhisi lahaa qaran ka bad qaba cudurrada ragaadiya horumarka dalka, ee ay kow ka yihiin maamul-xumida iyo musuqmaasuqu.

Waxa iga go’an in aan ummaddayda uga tago dhaxal wanaagsan, isla markaana aan naftayda u reebo taariikh duug ah … xilliyada kala guurka marka ay dawladuhu galaan, waxa dhacda in la xalaashado hantida ummadda, boob iyo dhacna uu bilaabmo.

Waxa reeban ku takrifalka hantida ummadda nooc kasta oo ay tahay, waxaan idin farayaa inaad feejignaan joogto ah u yeelataan ilaalinta hantida ummadda. Cid kasta oo ay ku caddaato lunsi xattooyo hanti xoolo qaranka ah waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa. Waxaan idiin caddaynayaa in aanay jirin cid sharciga ka saraysa oo aanu xeerku qabanayn.”》

Gudoomiyihii Gudida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka Naasir xaji cali shire iyo gudigii uu hogaaminayey ayaa iyaguna dhawaan soo saarey war bixin kooban oo musuq-maasuq oo aad looga qayliyey, iyada oo la turjumay in cid gaar ah iyo shaqsiyaad lagu xumeynayo, waxaana xilkiisii ku waayey oo lagaga qaadey xildhibaan Naasir oo la leeyahay cid baa ka dambaysay.

Bal aynu eegno cida xilkeeda ku weyda ee kale ee ay ku cadaato in ay ku hagtay shaqsiyaadkaa, isaga oo xildhibaanku sheegay in ay tahay warbixintii xisaab xidhkii sanadkii 2016kii, waxaana ay dadku u arkayeen in rajo xisaabtan iyo ilaalinta hantida qaranku soo bidhaantay markii ay warbixintani soo baxday.

Isku soo wada duub arimahan musuqa Somaliland in wax laga qabto diyaar looma aha, kuwa wax haysta ayaana kow ka ah, waxaana loo sameystay afmiishaaro iyo dad yoomiye lagu siiyo oo dadka kula dhex wareega xiligii la xisaabtami lahaa lama gaadhin oo reero ayeynu nahay iyo waxyaabo kale oo been ah.

Waxa jira dad loo sameystay in ay fashiliyaan ama hor istaagaan talaabo kasta oo wanaagsan oo dawladnimadu hore u qaadey iyaga oo uga faaiideysanaya dano siyaasadeed iyo dano qabiil ama qabyaaladeed.

TALO:

Waxa aan kula talinayaa Madaxweynaha Somaliland iyo cidkasta oo ay khuseyso in lala dagaalamo musuq-maasuqa lagana shaqeysiiyo hayadaha dawliga ah ee ku shaqo leh iyaga oo awoodohooga sharci iyo kuwa waxqabad loo kala soocayo si ay u cadaato xafiis kasta oo dawli ah ama hay’ad kasta oo la xidhiidha ilaalinta iyo baadhista hantida qaranka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqu iyo waliba xisaabinta iyo tashiilida dhaqaalaha qaranku shaqada u cayiman ee ay gaar u leedahay. Oo marka musuq-maasuq iyo wax la mid ah la arko cidii shaqadaa lahayd lagula xisaabtamo ee wax ka qaban weyday, oo waxyaabaha iyo dhaqanada inala fal galay ee madaxweyne ilaa biyotooni musuq la isaga eedeeyo ay meesha ka baxaan, sababta ay waxaasi u jiraana ay tahay nidaam xumo iyo madmadow ay dadku arkeen iyo cidii dan kale lahaydna inteeda ku sii darsato.

Arinkaasi dhawr qodob ayuun buu u baahan yahay:

1- sharci adag.

2- mushahar iyo gunooyin ku filan madax iyo shaqaaleba, si aanay ugu baahan cida iyo goobta ay shaqada ka qabanayaan.

3- Dhiirigalin iyo maamuusid muwaadiniinta dalkooda wax wanaagsan u qabta daacadnimona ugu shaqeeya.

Waxa aynu u baahanahay nidaam muuqda oo dawladnimadu leedahay oo hanta kalsoonida shacabka, halka maanta aynu kaga kalsoonahay hebel ama heblaayo, nidaamkaasi oo uu masuul waliba ku shaqeeyo sharcigii xidhayey iyo kii ilaalinayeyba leh oo qofka xil umadu u dhiibato madaxweyne ilaa shaqaale lagu shaqeeyo oo dadkana kala haga, waxaa aduunyadu ku hormartay waa nidaam wanaagsan e.

Inta waxa aan raacinayaa oo aan qoraalkayga ku soo gebo-gebaynayaa waxa aynu nahay dad ay ku yar tahay wadaniyada oo dal jacayl inagumaba jiro dantaada maxaad u qabsataa mooyaane, waxa aynu nahay dad u daran oo aan daryeelin waxa lawada leeyahay iyo danta guud oo dhan.

Tusaale kooban ayaan idin siinayaa dawladu waxa ay iibsataa gaadiid qaaliya oo $35000 ilaa $50000 waxa uu ku baaba’aa mudo aan 5 sano gaadheyn, masuulka gaadhigaa uu qaranku u iibiyey in uu ugu shaqeeyo waxa suuragal ah in baabuurka uu gaarka u leeyahay ee laga siiyey $2000 ama $5000 in uu 20sano wato isaga oo aan is badelin.

Baahiyaha qaranka ee lagu sameeyo miisaaniyadda qaranka 90% baahi jirta maaha marka laga reebo mushahar iyo kharashka maalinlaha ah ee xafiisyada ( daruuriyaadka ) aan looga maarmi karin shaqooyinka, waxa aad is odhanaysaa malaha caqligiina ayey ku ciyaaraan ama qof baa lagu naas nuujinayaa marka xaqiiqatan aad u dhuuxdo waxa ay tahay miisaaniyadu.

Waxba inagama dhawa; maalin aynu ka aqoon badanahay oo ka dhaqaale badanahay ka garasho badan nahay inamay soo marin haddana mooyi.

Ilaahay talada wanaagsan ha ina waafijiyo

Waa Aragtideyda gaaban qoraalkani ✍

QALINKI; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS