Qaliin Uu Mari Doona benzema & Go’aanka Uu Ka Gaadhay Kulanka Sabtida Ee Sevilla Oo Daaha Laga Qaaday!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaliin Uu Mari Doona benzema & Go’aanka Uu Ka Gaadhay Kulanka Sabtida Ee Sevilla Oo Daaha Laga Qaaday!.
January 16, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa lagu soo warramayaa in dhaawacii ku gaadhay kulankii toddobaadkan ay guusha kaso gaadheen kooxda Sevilla uu yahay mid u baahan doona in qaliin la mariyo.

Dhaawaca Karim oo ah mid gacanta kasoo gaadhay ayaa haatanba la mudeeyay wakhtiga uu weeraryahankani qaliinka mari doono iyada oo loo qorsheeyay maalinimada Axada xilli uu isaguna go’aan ka qaatay haddii uu qayb ka noqonayo kulanka Sabtida ee kooxdiisa.

Benzema ayaa la arkayay isaga oo gaadhigiisa ku imanaya tababarka Los Blancos maalinimadii Isniintii isla markaana gacanta ku duuban marada cad ee dhaawaca waxaana xusid mudan inuusan ku jirin safka kulanka caawa ee Leganes lasoo ciyaari doona tartanka Copa Del Rey.

Madrid ayaa Sabtida la ciyaaraysa kooxda Sevilla ciyaar go’aamin doonta booska saddexaad ee horyaalka La Liga iyadoo Sevilla ay haatan tahay kooxda booskaas farqiga goolasha ku hoggaaminaysa.

Haddaba, Benzema oo og muhiimada kulankaas ee kooxdiisa ayaa go’aansaday inuu marka hore doonayo inuu wajaho kooxda Sevilla kahor inta uusan gelin qaliinkan oo uu garoomada uga maqnaan doono mudo laba toddobaad ah.

Macalin Santaigo Solari ayaa dhibaato weerar ku wajahaya kooxda haatan maadaam oo uu sidoo kale maqan yahay Mariano Diaz oo dhaawac hore u qabay, Cristo Gonzales ayaa lagu soo dari doonaa kooxda waaweyn isaga oo horeba u ahaa xidiigii Benzema bedelay kulankii Betis.

Diyaariye:- shiine mataan

COMMENTS
LINKS