Ma jirtaa Cabir Bulshada Somaliland Ku Kala Saari Karto Doodaha Iska Soo Horjeeda Ee Siyaasiyiinta Mucaarad Iyo Muxaafidku Jeediyaan?Faalo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma jirtaa Cabir Bulshada Somaliland Ku Kala Saari Karto Doodaha Iska Soo Horjeeda Ee Siyaasiyiinta Mucaarad Iyo Muxaafidku Jeediyaan?Faalo.
January 16, 2019 - Written by Editor:

Ma Tahay Aragtiyaha Iska Soo Horjeeda Ee Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo Mucaaridba Mid Salka Ku Haysa Danaha Bulshada S/land iyo Horumarkooda?

Waxaa hubaala in Doodaha,Qudbadaha iyo Qoraalada siyaasiyiinta Muxaafidka iyo Mucaaradku S/land ay xambaarsan yihiin xeeladu iyo ujeedooyin u gaar ah,waxaana hubaala in ay Bulsho waynta S/land ku jaho wareeraan oo Bulshada S/land qaybo badan oo ka mid ahi kala saari Karin aragtida saxda ah iyo ka qaldan.Madaama Qudbadaha iyo Qoraalka siyaasigu xambaarsan tahay xeelado badan oo uu ugu talo galey in uu ku soo jiito kuna kasbado Bulshada balaadhan ee codka bixiya in ay aragtida Xisbigiisu sax tahay,waxaana hubaala in ay Bulshada S/land ku adkaatay fahanka Hadalka siyaasadaysan ee inta badan Runta iyo Sharciga ka fog ee siyaasiyiintu isku mariyaan warbaahinta .

Sida aynu la wada socono waxay maalin walba Bulshada S/land ka daawataa Muuq baahiyaha Telefishanada kana maqashaa idaacadaha kana akhridaa Websiteyada,Wargeysyada aragtiyaha iska soo horjeeda ee siyaasada Xukuumada talada haysa iyo Xisbigeeda oo dhinac ah iyo Xisbiyada mucaaradka oo dhinac ah,isagoo mid kastaaba ku soo bandhigaya muqaal qurxoon oo uu ka bixinayo siyaasada Xukuumada talada haysa ama Xisbiga mucaaradka ee uu ka tirsan yahay isagoo dhanka kalena ku dhaliilaya Xisbiga uu ka soo horjeedo.Hadaba qaabka Siyaasigu u adeegsado weedhaha Xeeladaysan loo kala saari karaa waa in ugu horayn muwaadiniintu iswaydiiso labada Su’aalood.

1.Qudbadaha iyo Qoraalka xambaarsan aragtiyaha iska soo horjeeda ee Xukuumada talada haysa iyo Siyaasiyiiinta xisbiyada mucaaradku teebaa waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka S/land ?

2;Labada doodood ee Xukuumada talada haysa iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradku ee iska soo horjeeda teebay ku jirtaa danaha Bulshada S/land iyo horomarkooda ?

Sidoo kale,waa in uu Muwaadinku Labada su’aalood si wadaniyad ah isku waydiiyo,isagoo ka xor ah kala jeclaysiga dhinacyada is haya Muxaafid iyo Mucaarad isagoo baadhis ku samaynaya Dastuurka iyo Xeerarka dalka S/land ku samaynaya si uu u ogaado aragtida iyo dooda waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka dalka s/land salka ku haysa.

Mar kale,haduu muwaadinku isagoo ka xor ah dhinacyada ku xafiiltamaya saaxada siyaasada S/land Muxaafid iyo Mucaaradba aragti wadaniyadeed ku qiimeeyo doodaha iska soo horjeeda,waxaa hubaala in uu ku guulaysan doono Xisbiga doodiisu danaha Bulshada S/land iyo horumarkooda ay ku jirto.

Ugu dambayn,waxaa iswaydiin mudan Maxaa ka hortaagan in dhinacyada isku khilaafsan arimaha doorashada ee Madaxwaynaha ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye u horeeyo iyo Gudoonka ama Hogaanka sare ee Xisbiga Wadani oo dhinac ah in ay isku qanciyaan horumarka Bulshada S/land iyo qabsoomida doorashooyinka Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada ?

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Gabiley S/land

waryaqaan@gmail.com

COMMENTS
LINKS