Saaxiibadii Naftooda Ku Waayay Weerarki Nairobi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saaxiibadii Naftooda Ku Waayay Weerarki Nairobi
January 17, 2019 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN)- Ugu yaraan 21 qof ayaa ilaa iyo iminka la rumeysan yahay inay ku dhinteen weerarkii Al Shababaab ay ku qaadeen dhismaha Dusit D2 ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi. Weerarkan oo qaatay ku dhawaad 20 saacadood, dowladda Kenya sheegtay inay “dishay” dhamaan raggii soo qaaday weerarka.

Hadaba Weerarkan ayaa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ah nin ka badbaaday weerarkii 9/11 ee lagu qaaday dhismayaashii Mareykanka, ciyaaryahan aad looga yaqaanno Youtube-ka iyo saaxiibbo aad isugu dhawaa.

Saaxiibbadii isla dhintay Feysal Axmed iyo Cabdullaahi Daahir

La taliye arrimaha horumarka, Feysal Axmed oo da’diisu ay ahayd 31 jir iyo Cabdi Daahir oo ahaa 33 jir kana wada shaqeynayay hay’adda Adam Smith International ayaa ku qadaynayay maqaaxi ku taalla dhismaha, kahor inta uusan weerarka bilaabanin.

Saaxiibbada iyo ehellada ayaa saaxiibtinnimada Axmed iyo Daahir ku tilmaamay mid aan la qiyaasi karin. Cabdullaahi Keynaan oo ah seeddiga Feysal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in labadooda ay ahaayeen saaxiibbo aad isugu dhawaa.

.

”Aad ayay isugu dhawaayeen, dadkuna waxayba lahaayeen way isla dhiman doonaan”.

Feysal iyo Cabdullaahi ayaa sidoo kale kasoo wada shaqeeyay hay’adda Somalia Stability Fund, taas oo ka shaqeysa nabadeynta Soomaaliya.

Maxamed Cabdilatiif oo ay saaxiibbo ahaayeen Feysal ayaa sidoo kale sheegay inuu ahaa qof aad u kaftan badan oo farxaan ah, qof walba oo ay isagaranayeenna uu aad u jeclaa, waxaana uu dhintay iyadoo xaaskiisa ay leedahay uur toddobo bilood ah.

Cabdullaahi ayaa isna bartiisa Linkedin oo ah meel dadku ay ku keydiyaan maclumaadka shakhsiga ku qoray in uu jecel yahay inuu dadka la wadaago sheekooyinka dadka nugul, gaar ahaan dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay colaadaha, mar walabana uu jeclaa inuu dunida ku baraarujiyo saameynta colaadaha. Hasa yeeshee labadoodaba isku meel ayaa lagu aasay.

COMMENTS
LINKS