Waxaa la Soo Gabagabeeyay Weerrar Ay Dad Badan Ku dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaa la Soo Gabagabeeyay Weerrar Ay Dad Badan Ku dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi
January 17, 2019 - Written by Wariye:

Hargeysa(WJN):-Waxaa la soo gebagabeeyay weerrar ay dad badan ku dhinteen oo ay magaalada Nairobi ka gaysteen maleeshiyaad laga shakisan yahay kaddib markii la dilay dhammaan kooxdii weerrarka soo qaadday, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidaasi sheegay.

Rag hubaysan ayaa waxa ay Talaadadii weerrareen goob ku taalla degmada Westlands ee caasimadda Kenya, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 14 qof.

Ilaa iyo haatan waxaa la la’yahay 19 qof, waxaa sidaasi sheegtay Laanqeyrka Cas ee Kenya.

Maleeshiyaadka Islaamiga ah ee uu saldhigoodu yahay waddanka Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerrarka lagu qaaday goobta halkaas oo uu ku yaal hoteelka lagu raaxaysto ee DusitD2.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay ururkaasi ayaa waxa ay ku warramaysaa in Al-Shabaab ay sheegeen in weerrarkii Talaadada uu “jawaab u ahaa” go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu dhawaaqay in magaalada Qudus ay caasimad u tahay Israa’iil.

Ma ay cadda tirada dadkii weerrarka halkaas ku qaaday, hasayeeshee taliyaha booliska Kenya Joseph Boinnet waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in “shan argagixiso” ay weerrarka ku lug lahaayeen.

Laba qof oo la rumaysan yihiin inay ku lug leeyihiin weerrarkii Talaadadii ayaa la xiray kaddib markii Arbacadii loo dhacay dhismooyin, AFP ayaa ku warrantay.

Isagoo xaqiijinaya in la soo afjaray howlgalkii ammaanka ee ka soconayay hoteelka Dusit ayuu taleefishinka ka sheegay Mr Kenyatta in 14 qof la dilay kuwa kale oo badanna ay dhaawacmeen, hasayeeshee la soo badbaadiyay 700 oo qof oo kale.

Waxa uu intaasi ku daray madaxweynuhu in “qofkasta ee ku lug lahaa maalgeleinta, qorsheynta iyo fulinta falkaas foosha xun” si “naxariis la’aan ah” loo baacsan doono.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye Akadir Habbane

COMMENTS
LINKS