Haweeney uu cunay Yaxaas ay xanaaneyn jirtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweeney uu cunay Yaxaas ay xanaaneyn jirtay
January 17, 2019 - Written by Reporter:

Haweeneey reer Indonesia ayaa waxaa dilay yaxaas dhaqaale ahaan loo hasytay kadib markii ay ku dhacday goobtii lagu dhaqaaleeynayay.

Deasy Tuwo, oo 44 jir ah ayaa la sheegay in ay yaxaaska ay ku quudinaysay beer ay ka shaqeeynaysay, halkaas oo si sharci darro ah loogu hayay xayawaankaas.

Yaxaaska oo culeyskiisa uu gaadhayo 700kg ayaa loogu magac daray Merry, waxaana la sheegay in uu haweeneyda ka qaniinay gacanta iyo inta badan caloosheeda.

.

Hataan yaxaaska ayaa waxaa la geeyay goob lagu dhaqaaleeyo xayawaanka iyadoo maamulka ay raadinayaan qofkii lahaa.

Ms Tuwo ayaa waxa ay ahayd madaxa sheeybaadhka beerta, halkaas oo ay Merry ku quudinaysay.

10-kii bishan January ayey si lama filaan ah ugu dhex dhacday halka uu ku xidhnaa yaxaas Merry ku jiray, waxaana subaxdii dambe meeydkeeda helay asxaabteeda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, maamulka ayaa aaminsan in Ms Tuwo ay weli qeybo ka mid ah jidhkeeda ku jiraan caloosha yaxaaskaasi oo dheerer kiisu uu yahay 4.4m.

Gabadhan ayuu yaxaaska cunay xilli ay damacsaneyd iney quudiso

Booliska ayaa haatan ku daba jira nin u dhashay dalka Japan oo la sheegay inuu yahay milkiilaha beerta iyo yaxaaska.

Bishii Abriil ee sanadkii 2016-kii, dalxiise u dhashay dalka Ruushka ayuu yaxaas ku dilay Jasiiradda Raja Ampat.

Dadka yaxaasyada ay dilaan ayaa lagu qiyaasaa 1,000 qof sanadkiiba.

COMMENTS
LINKS