Itoobiya oo Sheegtay In Ay La Dagaallameyso Kooxo Hubaysan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Sheegtay In Ay La Dagaallameyso Kooxo Hubaysan
January 17, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay dagaal kula jirto kooxo Hubeysan oo ay ku tilmaantay cadaw lid ku ah ammaanka, kuwaas oo qalalaase ka wada Galbeedka Gobolka Oromiya.

Dowladda ayaa meesha ka saartay eedeymo kaga yimid mid ka mid ah shanta garab ee Jabhadda OLF, iyagoo xukuumadda ku eedeeyay inay u  adeegsatay diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay degaannadooda.

Af-hayeen u hadashay Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo, Billene  Aster Seyoum, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadalka Saraakiisha  OLF, waxaa ayna sheegtay in ay dowladdu masuul ka tahay  ilaalinta nabad  gelyada iyo sugidda amniga Dalka.

Aster Billene, ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay Gobolka Kelem Wollega , halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin tababarna ku qaataan Jabhadda OLF, waxayna Gaashaanka ku dhufatay wararka sheegaya in ay jiranaan weerarro xagga hawada ah, balse diyaaradaha qumaatiga u kaca ay u adeegsadeen in ay ku daabulaan ciidamada ka qayb galaya soo celinta  xasilloonida Gobolkaasi.

Waxey ku eeedeysay kooxdan in ay in ay geystaan kufsi, boob  iyo Jid gooyooyin baahsan, taas oo keentay in ay dad badani ka bara  kacaan gobolka Oromiya iyo degaannada ku dhow, waxaa ay ugu baaqday in ay Hubka dhigaan Dowladdana la furaan wada hadal.

Tan iyo intii uu xafiiska la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed,  waxaa ay dowladdiisu dagaal kula jirtay Kooxo Hubeysan oo qayb ka ah  Jabhadda OLF oo kaashanaya qas wadayaal abaabulan, kuwaas oo diidaday in  ay debka dhigaan, dowladdana la furaan heshiis iyo wada hadal.

COMMENTS
LINKS