Maayirka Jabuuti oo Ka Warrantay Isbadelka Ay Magaaladaasi Ka Sameysay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayirka Jabuuti oo Ka Warrantay Isbadelka Ay Magaaladaasi Ka Sameysay
January 18, 2019 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Maayarka caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti ayaa waxa ay sheegtay in ay wax badan ka qabatay nadaafadda iyo bilicda magaalada.

Faadumo Cawaale Cismaan ayaa bishii March ee sanadkii 2017-kii noqotay haweeneydii ugu horreysay ee maayir ka noqota magaalada Jabuuti iyadoo markii ay wadday ololaha doorashada ay dad badani su’aal galinayeen kartideeda shaqo iyo in howshaas ay ka soo bixi karto.

Faadumo ayaa BBC-da u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay xilkaas hayso, maadaama ay tahay haweeneeydii ugu horraysay ee loo doorto maayarka magaalada.

Waxay sheegtay kolkii ay ololaha kujirtay in haweenku ay si wayn u garab istaageen iyadoo dumarku ay yihiin sida ay sheegtay dadka ugu badan ee codeeya.

Mar ay BBC-du waydiisay sidii shacabka reer Jabuuti ay u arkeen markii ay isu soo taagtay xilkan, ayay tidhi ” Waxay la’ ahayd wax ka yaabiyay, wayna u qaadan waayeen in ay arkaan haweeney u loollamaysa xilkan, iyadoo hore rag kaliya uun ay isu soo taagi jireen qabashada xilkan”.

Waxa ay sheegtay in haatan raggu ay qireen in xafiisyada dumarku ay maamulaan ay yihiin xafiisyo horumar gaadhay.

Ruux dumar ah marka ay xafiis madax ka tahay waxay u badan tahay in xilli hore ay timaaddo shaqada oo ayba kasoo hormarto shaqaalaha kale, ayay tidhi Faadumo.

BBC-da ayaa waydiisay sida ay u aragto in Dadka reer Jabuuti ay ugu yeedhaan Duqda magaalada Jabuuti iyadoo ah gabadh aan aad u da’ waynayn? Waxa ay ku jawaabtay “Kama cadhoodo, waayo magacayga ayay kor u qaadaysa”

Faduma ayaa intaas ku dartay in maalintii ay ugu yaabka badnayd ay ahayd maalin ay shaqo u tagtay TV-ga qaranka, oo ninkii waardiyaha ahaa ee albaabka joogay uu ku yidhi maxaad ahayd? Maxaadse u socotay? oo ay tidhi waxaan ahay duqdii Magaalada? Markaas ayuu yidhi adeer beenta igadaa ma tihid duqdii magaalada ee gabadhaadaan aadka u yari!

Faduma waxa ay sheegtay in ugu dambayntii ay ninkaas ku qancisay in ay tahay maayarka magaalada ayna doonayso in uu u oggolaado in ay gasho xarunta Telefishinka.

Faduma ayaa BBC-da u sheegtay in markii ololaha ay ku jirtay ay samaysay ballan qaadyo badan oo ay kamid tahay hagaajinta bilicda magaalada, ballan qaadyadaasna ay fulin doonto.

Hawlaha ay gacanta ku hayso oo ay ka shaqaynayso ayay sheegtay in ay kamid yihiin, dardar galinta nadaafadda deegaanka iyadoo samaynaysa laamo arrimahaas ku shaqo leh.

Faduma Cawaale ayaa dhawaan loo doortay urur ay ku bahoobeen maayarrada caasimadaha dalalka Islaamka, waxayna sheegtay in taasi ay tahay markii ugu horraysay ee haweeney Muslim ah ay madax ka noqoto urur caynkaas ah ayna taasi sharaf u tahay guud ahaan haweenka iyo gaar ahaan haweenka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

 

COMMENTS
LINKS