Qatar oo ka guuleysatay Sacuudi Carabiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qatar oo ka guuleysatay Sacuudi Carabiya
January 18, 2019 - Written by Reporter:

Xulka kubadda cagta ee dalka Qatar ayaa 2-0 uga adkaaday dhiggiisa uu xifaaltanka weyn uu ka dhexeeyo ee dalka Sacuudi Carabiya, ciyaar ka tirsaneyd Koobka Qaramada Aasiya.

Kulankaasi oo xiisa gaar ah lahaa, isla markaana loogu magac daray “Blockade Derby” ama kulanka adag ee go’doominta, ayaa waxa ay labada xul ku tartamayeen hogaanka guruubka E.

Almoez Ali oo asal ahaan ka soo jeeda Suudaan, weerarkana uga ciyaara kooxda Qatar, ayaa u dhaliyay labada gool, waxaana xulkaasi gool ku laad ka khasaariyay kabtankooda, Hassan Al Haydos.

Qatar vs Saudi

Kulanka oo ka dhacay garoonka Mohammed bin Zayed ee magaalada Abu Dhabi, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay labadan xul isaga horyimaadaan tan iyo markii ay billaabatay xiisadda diblomaasi ee u dhaxaysa Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Qatar oo martigelin doonta Koobka Adduunka ee 2022 ayaa wareegga 16-ka la ciyaari doonta xulka Ciraaq oo koobkan ku guulaystay sanadkii 2007.

COMMENTS
LINKS