“Baraha Xidhiidhka Bulshada Waa Nicmo Uu Alle Na Siiyay, Laakiin….”Sheekh Kenyaawi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Baraha Xidhiidhka Bulshada Waa Nicmo Uu Alle Na Siiyay, Laakiin….”Sheekh Kenyaawi
January 18, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Sheekh Maxamed Sh. Ibraahim Kenyaawi ayaa maanta oo jimce ah magaalada Muqdisho ku qabtay muxaadaro uu ciwaan uga dhigay ‘Cafi walaalkaa’, waxaana ka qeyb galay kumannaan ruux oo isugu tagtay garoonka ciyaaraha ee Koonis.

Muxaadaradan oo maalmahanba dadweynaha lagu ogeysiinayay baraha xidhiidhka bulshada ayuu sheekhu diiradda ku saaray mowduuca iscafinta oo loo arkay mid si weyn loogu baahnaa.

“Soomaaliyeey aynu iscafinno, waynu isdilnaye aynu iscafinno, waynu kala irdhownaye aynu iscafino, waynu kala fogaanaye aynu iscafinno. Sanooyin fara badan ayeynu isdagaaleynay oo aan kala fogeyn, oo xitaa aynu Ilaahay ka fogeyn ee aynu iscafinno”, ayaa ka mid ahayd erayadiisa.

Dad badan ayaa isweydiinayay sababta loo soo buuxiyay muxaaradan iyo in dadku ay xiiseynayaan sheekha wajigiisa.

Laakiin dad badan oo kale ayaa sheegay in shaki la’aan ay hadda Soomaalidu aad u daneynayaan mowduuca muxaadarada ee ah “iscafinta”.

Muxaadarada ‘cafi walaalkaa’ ayuu Sheekh Kenyaawi maanta ku soo hadal qaaday qodobbo kale oo ay ka mid ahayd in dhallinyarada Soomaalidu aysan ka cararin dhulkooda.

Wuxuu tusaale u soo qaatay in nabi Muxammad CSW uu magaalada Maka ka qaxay isagoo aad uga xun isla markaana sheegayay in haddii aan la khasbin aanu marnaba ka tagi lahayn.

Kumannaan ruux ayaa ka qeyb gashay muxaadarada iscafinta ee Sh. Kenyaawi

“Haka cararin waddankaaga, haddii aad adigu baxdo yaa u hadhaya waddankii?, Yaa u hadhaya waalidkaaga?, yaa hagaajinaya dalkaaga?”, ayuu yidhi.

Arrimihii kale oo uu ka hadlay waxaa ka mid ahayd faa’iidada ay shacabka ku heystaan baraha xidhiidhka bulshada.

“Baraha xidhiidhka bulshada waa nicmo uu Alle na siiyay, laakiin waa inaan si wanaagsan oo uu Alle raalli ka yahay u adeegsanno”, ayuu yidhi.

Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegayay in Sheekh Kenyaawi uu dhaqdhaqaaqiisa ku saleynayo arrimo siyaasadeed, balse wuxuu isagu ku adkeystay in arrintaas ay tahay been abuur oo ujeeddadiisu ayku kooban tahay iscafinta shacabka.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu cafiyay dadka been abuurka ka sameeyay.

Muxaadaradii galabta ayaa u muuqatay mid aysan dadku ku xiiseyneyn wajiga sheekha balse ay si weyn u daneynayeen mowduuca iscafinta ah.

Ka qeyb galayaasha ayaa buux dhaafiyay garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho, iyadoo hore ay si dhif iyo nadir ah tiradaasoo kale u tagi jireen garoonkan.

 

Source: BBC

COMMENTS
LINKS