“Mucaarad Doorasho Diidayaa Wuxuu Doonayo Ayaan Jirin”Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Mucaarad Doorasho Diidayaa Wuxuu Doonayo Ayaan Jirin”Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan
January 18, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbi  mxaaakimka talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay khilaafka cakiran ee ka dhex aloonsan Xisbiyada qaranka.

Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo qoraal uu kaga hadlayo arintaasi ku baahiyay barta xidhiidhka bulshada uu ku leeyahay Facbooga ayaa u dhignaa sidan.”Mucaarad doorasho diidayaa wuxuu doonayo ayaan jirin, 7da xubnood ee GDQ ee SL waa guddi isu dubarida hawsha diyaarinta doorashooyinka ka dhaca 1642 goobood oo ay joogaan hawlwadeeno aan ka yaraan 5 qof goob kasta, sidoo kale waxa jooga muraaqib xisbi xilliga doorashada.

madaxtooyada, Marka ay doorasho deegaan iyo mid wakiil tahayna musharixiinta ayaaba soo xusha muraaqibiinta.

Intaa marka aynu isla ogolnahay gari allay taqaane kalsooni darrada Xisbiga Wadani ka qabo GDQ ee lagu khiyaami karaa halkeebay ka imanaysaa, miyaan la odhan karin waa marmarsiiyo lagu wiiqayo geedisocodka doorashooshinka muddo dhaafay.

Ma la is odhan karaa doorshadii 2015 kii inoo qabsoomi lahayd intii hortaagnayd ee dib u dhigtay baa maantana hortaagan doorashada golayaasha.

Waxaan shaki ku jirin haddii doorasho dhici waydo in muddo kordhis yahay xalka qudha ee sharci ah kaasoo niyad jab ku ah musharixiintii tobankii sano sugayey doorasho iyo tartan ay galaan.

Waxaan qabaa haddii guurtidu ayiddo in doorasho dhacdo musharixiintii rabay in ay iska sharaxaan xisbiga Waddani, aanu xisbigu hor joogsan karin waxase la filan karaa in aanay guurtidu doorashada ayidaynin waayo iyaga ayay korodhsiimadu dan u tahay mar walba.

Somaliland alow dhowr.

COMMENTS
LINKS