Real Madrid Oo Kaga Adkaatay Saxeexa Difaaca Porto Kooxaha Barcelona Iyo Manchester United. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Kaga Adkaatay Saxeexa Difaaca Porto Kooxaha Barcelona Iyo Manchester United.
January 18, 2019 - Written by Editor:

Kooxda Real Madrid ayaa aad ugu dhaw inay saxeexa daafaca kooxda FC Porto ee Eder Militao balse xiddigan ayaa haddii heshiiskiisa la isku af-garto kaliya kooxda kusoo biiro doona dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kaddib inay Madrid tiraba shan kulan xiddigan soo daawatay isla markaana ay qiimayn kusoo samaysay waxa ay haatan go’aansadeen inay saxeexiisa u dhaqaaqaan heshiiska ayaana ah mid ku dhaw in la isku af-garto.

FC Porto ayaa ka war qabta xidhiidhka ka dhexeeya daafaca kooxdeeda iyo Real Madrid balse labada kooxood ayaan ilaa hadda iyagu wax xidhiidh ah toos u samayn.

Dhinaca kale, Kooxda ree Portugal ayaa caddaysay inaysan aqbali doonin wax dalab ah oo ka hooseeya qiimaha heshiiska Militao lagu bur-burin karo ee 50 ka Milyan ee Euro ah.

Los Blancos ayaan gabi ahaanba doonayn inay lumiyaan saxeexa da’yar sidan u hibo badan gaar ahaan inuu xiiso ka helay kooxda Barcelona oo haatan bedelkiisa ula saxeexatay Jean-Clair Todibo iyo waliba Manchester United.

Heshiiska 20 jirkan ayaa ah mid haddii ay Real dhammaystirto kahor 15 July ee sanadkan ku dhammaan doona qiimaha 50 Milyan ah ee lagu heli karo balse waxa cajiib ah in 50% uu ku kordhi doono qiimahiisa mudadaas kaddib taas oo la micno ah inuu 75 Milyan noqon doono.

Militao ayaa sanadkii hore Porto kaga soo biiray dhinaca kooxda Sao Paulo isaga oo wakhtigaas 4 Milyan ku fadhiday, Heshiis uu haatan Madrid ugu biiro ayayna Sao Paulo ku heli doontaa boqolkiiba 10 heshiiska kamid ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madrid ayaan haatan wax heshiis ah la gaadhin Porto iyo wakiilka xiddigan midna laakiin dhaq-dhaqaaqa guud ahaaneed ayaa ah mid tilmaamaya sida uu Militao dhawaan u noqon doono xiddig Real ka tirsan.

COMMENTS
LINKS