Arsenal Oo Dhamaystiri Karila Heshiiska Laacibka Denis Suarez? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Oo Dhamaystiri Karila Heshiiska Laacibka Denis Suarez?
January 18, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Arsenal ayaa qorshaynaysa inay si degdeg ah u dhamaystirto heshiis amaah ah oo ay Barcelona kagala soo wareegayso laacibka khadka dhexe ee Denis Suarez.

Gunners ayaa inta aanay dhamaanin bishan January waxay soo gebogabayn doontaa heshiiska ay kula wareegayso Suarez, waxaanay Barcelona siin doontaa lacag dhan £1.7 milyan oo Gini.

Heshiiska oo haddaba ay intiisa badan isla waafaqeen Arsenal iyo Barcelona ayaa waxa uu dhigayaa in Gunners ay bixiso £17.5 milyan si ay heshiiska amaahda ah ugu beddesho mid rasmi ah.

Barcelona ayaa uu warku sheegay in haddaba ay ogoshahay in Arsenal ay bixiso lacagta heshiiska rasmiga ah ee £17.5 milyan, hase yeeshee Gunners ayaa ka cabanaysa dhaqaale darro, iyadoo uu tababare Unai Emery hore u sheegay in aanay haysanin lacag ay ku iibsadaan ciyaartooyo cusub bishan January laakiin ay amaah kusoo qaadan doonaan xiddigaha ay doonayaan.

Suarez ayaa isagana la sheegay inuu doonayo inuu ku biiro Arsenal isaga oo khaati ka taagan kaydka Barcelona oo aanu ka helin fursad uu ku ciyaaro.

DIYAARIYE SHIINE MATAAN

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS