Taliyaha Booliska Gen:Fadal Eedaha Loo Soo Jeedinayaa Intee In Leeg Buu Ku Leeyahay?W/Q; Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Booliska Gen:Fadal Eedaha Loo Soo Jeedinayaa Intee In Leeg Buu Ku Leeyahay?W/Q; Barkhad-ladiif.
January 18, 2019 - Written by Editor:

Daraasad Aan shakhsiyan anigu u sameeyey waxaan ku ogaaday eedaha masuuliyiinta loo soo jeediyaa inay laba arrimood sababeen, gacanyarayaashiisa oo ah kuwo fashilmay oo shacabka is naceen iyo isaga oo gacanyarayaashiisa dabagal ama qiimen ku samayn.

Tusaale ahaan, askariga ama taliye saldhig baa dambi aanu ogayn taliyaha guud samaynaya markiiba waxa eeddu saaraysa taliyaha guud, sidaa awgeed wuxuu dambigaasi ku yeelanayaa: waxay ahayd inuu gacanyarayaashiisa eedda usoo jiidaysa isagu marka hore la xisaabtamo oo kii laga cawdo markiiba bedelaa si uu sharaftiisa qof kale ugu ciyaarin ama ku qabsado saldhiga uu maamulo wuxuu u nadiifin waayey.

Gacanyarayaashuna labay iskugu jiraan kuwo daacad u ah iyo kuwo ka soo horjeeda oo intay wax kasta si ula kac ah u kharibaan doonaya inay xumaan aanad galin ku marmariyaan si adiga eeddu ku fuusho oo adigay kugu xumaynayaan.

Hogaamiyaha wanaagsan wuu yaqaanaa qofku dirsanayo inuu yahay mid sumcad usoo jiidaya iyo mid xumaan usoo jiidiya,hadii uu kala garan waayo qofka wanaagsan iyo qofka xun way ku adkaanaysa inuu xilkaasi sii hayo ama shaqadiisa gudan karo.

Tusaale waxa mar walba la tilmaama in saldhigyada nadaafad xumo ka jirto ama dadka lagu dhibo, mar hadii aad awood aad wax ka qaban karto hayso miyaad wax ka qabatid, miyaanad ogayn in eeda lagu soo jeedinayeyba intaas tahay. Qofka dhaliisha u qaata in lagu saxayaa waa qof horumar doonaya, waayo meeshii lagu tilmaamaba gufee ugu dambeynta dadku way kuu markhaati furi inaad wax fiican qabanayso.

Dhowaan dugsiga hoose/dhexe ee Gacmo dheere ayaa la soo sawirey isagoo dundumooyin ka dhismeen oo dugsigii burburey, wasaaraddii waxbarashadu markiiba waxbay ka qabatay, kuwuu shalay dhaliishaasi soo gudbiyey ayaa maanta talaabadii wanaagsanayd ee laga qaaday dugsigaasi soo sawiray iyagoo shacabka usoo bandhigay in dugsigii burburey wax laga qabtay iyago ku amaanay dadkii wax ka qabtay.

Taasi waxay tusaale u tahay sida qofna dhaliisha wax tar ugu arkayo oo markiiba wax uga qabanayo iyo sida qof cay iyo in isaga loo jeedo u arko.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS