Siyaasada Qarniga 21aad Ee Ku Wajahan (Somali Society Integration),Si Loo Soo Celiyo Soomaali-weynimo, Maxay Daaran Tahay? Qalinka:Cabdiraxmaan Jeesto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasada Qarniga 21aad Ee Ku Wajahan (Somali Society Integration),Si Loo Soo Celiyo Soomaali-weynimo, Maxay Daaran Tahay? Qalinka:Cabdiraxmaan Jeesto.
January 19, 2019 - Written by Editor:

Qarnigan aynu ku jirno waxa si xawliya isku soo taraya isku dayidda lagu raadcaynayo Wixii la odhan jirey (Soomaali-weyn) taasoo ay aad u naawilayaan Koonfurta Soomaaliya oo yadu aad ugu macaasheysa qodobkani, Is dhex-galka soomaalida ee laga dhigtey mudooyinkan danbe aragtida mashaariiceysan kama koobna Soomaali oo dhan balse waxay ka kooban kaliya labadii dal ee la kala odhan jirey (Somali british iyo Somali Italian), Wadamada kale ee mandaqada ku yaala ee Soomaalida ahi kuma jiraan balse waxa looga dhigayaa si loo helo maxsulka ujeedadani ( Cover Page) lagu qarinayo laguna sawirayo qaab Soomaali oo dhami ka kooban tahay.

Hadaba duulaankani waa challenge ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, Aragtida is-dhex-galkana waxa wata Dawlada fadaraalka Soomaaliya si ay u hantido Somaliland, Ujeedada ay soomaaliya u lexejeclanayso Somalilandna ma,aha soomaali jaceyl ama walaaltinimo ka dhaxeysa, Waase dano iyo ka faa,iideysi laga faa,iideysanayo Somaliland oo ah dhulka ama buqcada ugu badan ee ay maraan Marinada cirka iyo baddaha ee aduunku iskaga kala goosho, Kuwaasi oo ay maraan xamuulka iyo badeecadaha quutayaasha geeska-afrika ay isticmaalaan, Marinadan ayaa leh fursado dhaqaale fara-badan oo ka soo galaya cida gacanta ku haysa hadba waa sababta ay Soomaaliya uga lulato Somaliland oo saami u leh 70% marinadani, Sidaa darted waxay Soomaaliya ku dadaaleysaa siday u kasban lahayd Somalilandna uga mid noqon lahayd yada si ay ujeedkeeda u gaadho.

Si loo hantiyo hadafyadan waxay diyaarisey Dawladaa taagta daran ee Soomaaliya iyo xubno Qurba-joog ahiba barnaamijyo dadka laysugu soo dhaweynayo si laysu dhex-galo kuwaasoo u badan Dood-cilmiyeedyo, Aqoon-is-weydaarsi, Dood-aragtiyeedyo, Ururada Arimaha Bulshada, kuwa Naadiyada wax-akhriska iyo Ururada Saxaafada, Siyaasiyiinta iyo Culima-u-diinka, Kuwaasoo dhamaantood loo soo dhiibey mashaariic ay ku qabsanayaan maanka umada yagoo sameynaya ama aloosaya madalo laysu-dhex-galayo laguna taba-barayo nidaamyo ay qaybaha kale ee bulshada ku gaadhsiiyaan iyo waliba deegaanada kale ee Geeska-afrika ku yaala ee ay ku dhaqan tahay Qoomiyada Soomaalidu, Waxana hubaal ah hadii ay waxyaabahaasi sii faafaan iney aafeyn doonaan cida gaarka ah ee dan leeyahay, Hadaan layska fahmin maan-gadnimadaa laynagu takhlayo.

Waxa mashaariicdan ka mid ah qurba-jooga la yidhaa Aqoonyahanada oo ku qabanaya muxaadarooyin xarumaha jaamacadaha Dawladaha kala gadisan ee ay Soomaalidu degto Geeska-afrika guud ahaantiiba , Waxanay xubnahaasi u badan yihiin dad dhalasho ahaan ka soo jeeda cariga Somaliland oo muunad u noqonaya aragtida la faafinayo , Inta badana waxa aad looga dareemaa Socail Mediayaha, War-baahinta kale, iyo kuwa caalamiga ah kuwaasoo aad loogu dhex buun-buuniyo xawlal-caalam dhamaantii, Hadii aqoon-is-weydaarsi jirona waxa lagu casuumaa xubno reer Somaliland ah oo sawir ahaan looga dhigayo caalamka iney soomaali is-dhex-gashey ama ay wada socoto waana muuqaalka ay Soomaaliya u dan leedahay .

Faafinta aragtiyahani waa kuwa loogu talo-galey dabinka Somaliland lagu xayirayo, Somaliland oo ah dal hore Soomaaliya ay isu-raaceen balse ay xoriyadeeda dib ugala noqotey ayaa lagu xakamaynayaa qorshayaashan iyo dabinadani, Inta ifa-faalahani ka socdey guud ahaan mandaqada waxa soo kordhey Somaliland dhexdaada in laga helo markii ugu horeysay in hargiesa laga helo dad aaminsan Soomaali-weyn iney ku noolaadaan dalka gudihiisa yadoo la cuskanayo Dimuqraadiyada, Dadka isku socodka ku soo aflaxaa iney aragtiyo ka dhex fuliyaan baahintooda gudaha Somaliland yagoo inta badan dhex mushaaxa ururada arimaha bulshada iyo madalo dood-cilmiyeedyo lagu qabto dhex mara, Waxa jira shicib la marin seejiyo oo marerka qaar si miyir la,aana isaga miraaqooda.

Laysuma dhex-galayo Soomaalinimo balse waxa lagu seetaynayaa Somaliland waa aragti ay mashruucsadeen qurba-joog reer Somaliland ahi iyo dawlada federaalka Soomaaliya, Casharada ugu badan ee laga soo bartana waxa ka mid aragtida xoriyada hadalka oo ku saleysan cabiritaanka fikradaha qaldan iyo in madaxda dalka iyo waliba bulshada laysu diro oo umada hogaankooda la nacsiiyo, Si hadhaw loo yidhaa Soomaali waxay u baahan tahay dawlad weyn oo aan fashilmin isla markaana ay umada Soomaaliyeed u dhan tahay, Waa fikradha qaldan ee lagu dhex iibinayo shabakadahan iyo kooxahan falsafadahooda, Markaa qodabkaa aan manta door-bidey ka hadalkiisu intaa ayuu daaran yahay, Ee waa in laga foojignaadaa hadii Eebe xukmaayo.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
LINKS