Digreetada Madaxweynuhu Dawo Iyo Xanuun Labadaba Way Wadataa !!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Digreetada Madaxweynuhu Dawo Iyo Xanuun Labadaba Way Wadataa !!!
January 19, 2019 - Written by Editor:

Waa Maxay Sababta Looga Baqo Xilka Qaadistu Ama Casilaadu?

Waxa aan in badan u soo joogay dad badan oo marka madaxweynuhu xilka ka qaado qaar kaba soo hadhi waayaan oo xanuuno iyo wax u raacaan xil ka qaadistaa naxdinta iyo wax ay tahay garan maayo e.

Waxa kale oo aan arkey dad badan oo aan is lahayn xil baad qabanaysaa oo marka la magacaabayo saacado ka hor uun lagala tashaday oo aqbalay oo in badan soo dhacday.

Waxa kale oo aan arkey rag badan oo madax ahaan jiray oo hoganaya , maalinta la magacaabona aad yaabayso dardar iyo waxa ka muuqda qurux iyo fir-fircooni oo aanad isagiiba moodeyn.

Waxa kale oo iyaduna soo dhacday dad lagu tiriyo dadka Madaxweynaha ugu dhow oo aan is lahayn xil baa lagaa qaadayaa dadkuna aanay fileyn in laga qaado oo u qaadan waa ku dhaco, dawlad waxwalba ka filo !

Waxa laga siman yahay in xil ka qaadistu tahay wax aan wanaagsanayn oo ay dadka badankiisu isku raacsan yihiin arinkaasi oo dad badan kaga nixiya oo aan is lahayn xilkaa lagaa qaadi doonaa ama kalsooni Madaxweynaha ku qaba in uu la shaqeyn doono, laakiin dabciga xilka qaranka ayaa noocan ah. !

Arimahani saameyntooda iyo culayskooda, dawadooda iyo cudurkoogu waxa uu ku xidhan yahay hadba sida sirta xukuumada iyo gaar ahaan ta madaxweynuhu tahay, oo waa muhiim in aan la sii ogaan, sida neefkaba looga qariyo midida lagu qalayo.

Habdhaqankaasi wuu inagu yaraa xukuumadahii Cigal ka dambeeyay oo dhan ha sii kala sir badnaadaane , waxaana ugu sii liidatay xaga ilaalinta iyo adkaynta sirta xukuumadii Axmed Siilaanyo oo cida la badelayo iyo cida lagu badelayaaba suuqa ayey sii taalay.

Hadii dhinac kale laga eego taatikada xukuumada Siilaanyo waxa ay noqon kartaa xukuumadaha qaar ayaa war suuqa soo galiya iyaga oo eega sida dadku uga dareen celiyaan, taa lafteedu waa mid liidata oo maaha in ay umadu ku hogaamiso ee waa in aad adigu hogaamisaa.

Waxyaabaha ilaalinta siraha cida la magacaabayo iyo cida la badelayo iyo goorta la badelayaa qiimaha u leedahay waxa ugu muhiimsan in aan la kala shakiyin oo aan la kala kalsooni bixin, iyo waxa la sameynayaa in uu noqdo wax cajiib ah ama aanay bulshadu fileyn ha noqoto qaabka loo sameynayo iyo shaqsiyaadka la keenayaba.

Madaxwayne Muuse Biixi waxa iiga muuqda in uu xafiday sirtii oo aan la garan goorta uu wax badelayo iyo cida uu badelayo iyo cida uu keenayaba , waa astaan dawladnimo oo muhiim ah taa lafteedu ee waxa muhiim ah uun cida uu xulanayaa ma waxa ay ku jirtaa xayndaabka intii xilalka soo hayn jirtay mise waa dad kale oo cusub iwm.

Haddaba marxaladaha noocan iyo xiliyadan aynu ku jirno ayaa waxa ay iila muuqdaan kuwa isbadel weyni soo socdo, ciduu sahayan doono iyo ciduu soo xarayn doonaba bal waynu eegi hadii ay saadaashaydaasi rumowdo.

Qaybka ilaahay baa og , wax kale oo aan ogahayna ma jiro , laakiin in badan ayaan siyaasada iyo habdhaqanka madaxda xiliyada isbadelada aad ula socday, markaa wakhtigan ayuun baa iila eekaaday mid foore isbadel oo xoogweyni soo socdo.

#Ha_shakiyin_xilhaye waa #Rejo_Gelin_Xil_Suge

 

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS