Khilaafkii Trump iyo Xisbiga Dimuquraadiga oo Cirka Isku Sii Shareeray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafkii Trump iyo Xisbiga Dimuquraadiga oo Cirka Isku Sii Shareeray
January 20, 2019 - Written by Reporter:

Washigton (WJN)- Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xidho xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico.

Hindesayaashani cusub ayuu uga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda Mareykanka oo xidhnaa muddo ka badan afar usbuuc.

Trump ayaa sidoo kale u muuqda in uu ka soo debcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ahi, gaar ahaanna kuwa iyaga oo da’yar sharcidarro lagu geeyay Mareykanka balse wali waxa uu dalbanayaa ku dhawaad lix bilyan oo doolar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in lagu kala xidho Mareykanka iyo Mexico.

Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan seydhay dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi. Hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ayaa saameeyay 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda dhexe.

Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in muddo saddex sano ah oo dheeraad ah loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan oo ay ka shaqeystaan muhaajiriinta iyaga oo da’yar sharcidarro lagu keenay gudaha Mareykanka.

Dadkani ayaa hadda aanan waddanka laga musaafurin karin isla markaana loo ogol yahay in ay waddanka ka shaqeystaan balse aanan loo ogolayn in ay qaadaan dhalashada Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa isku dayay in muhaajiriintani markii hore Mareykanka sharcidarrada ku galay dalka laga musaafuriyo.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka soogalootiga ahi ee sida kumeel gaadhka ahi loogu ogolaaday in ay dalkaasi ku sii noolaadaan uu siinayo muddo kordhin saddex sano ah.

Inkabadan 300,000 oo qof oo ka kala yimid waddamada ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa haatan si ku meel gaadh ah loogu ogol yahay in ay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan gudaha Mareykanka, waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay guddoomiyaha aqalka Kongareeska, Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu sheegay in qorshaha Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo horeyba loo diiday isla markaana aanu daacad ka ahayn.

COMMENTS
LINKS