Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo La Isku Yeedhay Fadhigii Mudo Kordhinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland oo La Isku Yeedhay Fadhigii Mudo Kordhinta
January 20, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xoghayaha golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi oo maanta warbaahinta la hadley, ayaa shaaciyay in maalinta berito ah loo fadhiisan doono fadhigii loo balan sanaa eek u aadanaa mudo kordhinta golaha Wakiilada, Isagoona Mudanayaasha golaha Guurtida ugu baaqay in ka soo xaadiraan fadhigaasi.

Dhinaca kale Xoghayaha Guurtida, ayaa waxa kaloo uu sheegay in gudidii loo saaray ka soo talo bixinta arrinta mudo kordhinta ay natiijadii dhameeyeen islamarkaana ay maalinta berito hor keeni doonaan golaha.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/IC_XU4M66PA

COMMENTS
LINKS