Keebaa been badan ragga iyo dumarka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Keebaa been badan ragga iyo dumarka?
January 20, 2019 - Written by Reporter:

Ragga ayay u badan tahay in ay ka been sheeg badan yihiin dumarka, kuwaasi oo aanba dareemin in ay qalad galeen marka ay beenta sheegaan. Sidaasi waxaa sheegaysa daraasad la soo saaray.

Cilmi-baadhayaasha ayaa ogaaday in ragga Britain ay isku celcelsi ahaan ay maalintii sheegaan 3 been taas oo u dhiganta 1,092 sanadkiiba.

Dhanka kale dumarka ayaa u muuqda in ay ka been sheeg yar yihiin ragga sabatoo ah iyaga sanadkii waxa ay been sheegaan 728 goor taas oo isku celcelis ahaan u dhiganta laba goor maalintiiba.

Inta badan waxaa been loo sheegaa hooyooyinka, sida ay sheegtay daraasadda.

Boqolkiiba shan iyo labaatan ragga ayaa been u sheega hooyooyibkooda, halka dumarka ay ka yihiin boqolkiiba labaatan.

Boqolkiiba 10 ayaa sheegay in ay lamaanahooda been u sheegaan.

Balse hadana marka dhankaa la eego ragga ayaa xaaskooda been badan u sheega marka la barbar dhigo tan dumarka ay saygooda u sheegaan.

Dumarka ayaa waxa ay dareemaan ceeb ama in ay qalad sameeyeen kadib markii ay sheegaan been.

Boqolkiba siddeetan ayaa sheega in ay sharaftooda hoos u dhacaday marka loo barbardhigo ragga.

COMMENTS
LINKS