“Arsenal Waxay U Baahan Inay Iska Dirto Mesut Ozil Ka Hor Inta Aanay U Dhaqaaqin Laacib Kale! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Arsenal Waxay U Baahan Inay Iska Dirto Mesut Ozil Ka Hor Inta Aanay U Dhaqaaqin Laacib Kale!
January 24, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Arsenal ayaa waxay u baahan tahay inay ka takhalusto, kooxdeedana ka dirto xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil oo ka baxay liiska ciyaaryahannada uu ku xisaabtamo tababare Unai Emery.

Mesut Ozil ayaa waxa uu Arsenal ka xannibayaa inay u dhaqaaqso soo xero gelinta laacib ka ciyaara horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, kaas oo uu tababare Emery doonayo inuu keeno Emirates.

Sida uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Maraykanka ee Bleacher Report, Arsenal waxay doonaysaa kubbad-sameeyaha reer Colombia ee James Rodriguez oo ka tirsan Bayern Munich, kuna jira sannadkii labaad ee heshiis amaah laba xili ciyaareed ahaa oo Real Madrid ay kaga qaadtay.

Tababare Emery ayaa waxa uu doonayaa inuu waaxda iibka ee Arsenal ku cadaadiyo inay ka shaqeeyaan sidii uu James ku iman lahaa kooxda, isla markaana ay ugala xaajoodaan Real Madrid sida ugu suurtogalsan ee ay qaab amaah ah ugu soo siin karayaan.

Sidaas oo ay tahay, ayaa waxa Arsenal ay u baahan tahay inay iibiso Ozil ka hor inta aanu imanin James, sababtoo ah, Mushaharkiisa badan oo usbuucii dhan £350,000 iyo midka aan intaa ka yaraanayn ee James uu dalban doono ayaa dhibaato ku noqon doona Gunners inay la tacaasho.

Arrinta kale ee keenaysa in Ozil albaabka la tuso ayaa waxay tahay in maadaama aanu ciyaaraynin oo tababaruhu ka biyo diiday qaab-ciyaareedkiisa, in aanay jirin sabab uu lacagta intaas le’eg ugu qaato kursiga kaydka iyadoo heshiiskiisuna soconayo illaa sannadka 2021.

WAJAALENEWS DESK

XIISAHA CIYAARAHA

DIYAARIYE SHIINE MATAAN,

COMMENTS
LINKS