Neymar Oo Ilmo Xajisan Kari Waayey Ka Dib Dhaawac Halis Ah Oo Xalay Soo Gaadhay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Neymar Oo Ilmo Xajisan Kari Waayey Ka Dib Dhaawac Halis Ah Oo Xalay Soo Gaadhay!
January 24, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa xalay ka baxay garoonka isaga oo ay ilmo qoysay indhihiisa, kaddib markii uu dhaawac ka gaadhay kuraanta lugta midig.

Neymar ayaa garoonka ka baxay daqiiqaddii 60aad kulan ay 2-0 PSG kaga adkaatay Strasbourg oo ka tirsanaa tartanka Coupe de France, taas oo ay goolasha u dhaliyeen Edinson Cavani iyo Angel di Maria.

 

Tababare Thomas Tuchel oo ka hadlay xaaladda ciyaartoygan ayaa sheegay inay tahay mid walaac leh, isla markaana saddex jeer laag lagaga dhuftay kuraanta oo ah halkii uu dhaawac hore ka qabay ee uu kasoo laabtay ka hor Koobkii Adduunka.

Dhaawacan oo ay u badan tahay inuu ku seegi doono lugta koowaad ee wareegga 16-ka Champions League ee Manchester United ay ugu tegi doonaan Old Trafford bisha February 12-keeda, ayaa waxa warbixintiisa rasmiga ah laga sugayaa dhakhaatiirta oo xalayba ku hawlanaa dhaawaciisa.

“Waxay ahayd xaalad ka dhalatay halkii khaladka lagaga sameeyey saddex jeer oo midba mid ku xigay. Garsooruhu waxba muu siinin, waxaanu ka cawarmay lugta.” Sidaas waxa yidhi tababare Tuchel.

“Waxa uu joogaa cusbitaaalka, waxana waajib igu ah inaan sugo dhakhtarka si uu warka ii siiyo.” Ayuu ku daray tababare Tuchel.

Tababaraha PSG waxa kale oo uu canaan usoo jeediyey ciyaartoyga iyo tababaraha kooxda Strasbourg oo ku tilmaamay Neymar mid istuur-tuurayay garoonka dhexdiisa.

Anthony Goncalves oo khadka dhexe uga ciyaara Strasbourg ayaa ciyaarta kaddib sheegay sidan: “Waa qaabka Neymar, kuuma imanayo oo ma cabanayo marka aad laagto. Waa ciyaartoy wanaagsan oo aan ixtiraamo.”

Neymar oo xili ciyaareedkan u dhaliyey PSG 20 gool dhamaan tartamada ayaa waxa uu dhaawaciisa xalay dib usoo kiciyey cabsida ah inuu kusoo laabto dhaawacii gaadhay February 2018 ee uu kasoo laabtay waxyar ka hor koobkii Adduunka.

Waxa hore PSG uga dhaawacnaa laacibka khadka dhexe ee Marco Verratti oo isaguna kuraanta kaga dhaawacmay ciyaartii ay kooxdiisu 9-0 ku burburisay Guingamp Sabtidii, waxaana loo badinayaa in aanu fursad u heli doonaan ciyaarta hore ee Manchester United.

WAJAALENEWS DESK

XIISAHA CIYAARAHA

DIYAARIYE ;SHIINE MATAAN.

COMMENTS
LINKS