Maxay Tahay Sababta Shaqada Looga Eryay Thiery Henry? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Tahay Sababta Shaqada Looga Eryay Thiery Henry?
January 25, 2019 - Written by Reporter:

Kooxda Monaco ee dalka Fransiiska ayaa shaqadii ka eriday tababarihii kooxdaasi , ahna weeraryahankii hore ee Kooxda Arsenal, Thierry Henry oo saddex bilood oo keliya hogaaminyay kooxdaasi.

Henry ayaa shaqada laga joojiya, hasayeeshe waxaa iska cad ayaa la leeyahay in uu sidaasi ku tegay. Thierry Henry ayaa kooxdaasi leylinayay 20 ciyaarood,waxaana lagu wadaa in ku xigeenkiisa uu sii qabto shaqadiisa.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in ninkii isaga kaga horeeyay kooxdaasi oo lagu magacaabo Passi la doonayo in markale loo dhiibo hogaanka kooxda Monaco.

.

Inkastoo aan si rasmi ah loo garaneyni sababta keentay in shaqada laga ceydhiyo Henry ayaa haddana waxaa jirtay in uu hadalo qallafsan uu kula hadlay daafaca kooxda Strasbourg Kenny Lala xili ay wada ciyaarayeen labada kooxood.

Henry oo ah ninkii ugu gool dhalinta badnaa ee soo maray kooxda Arsenal ayaa sidoo kale waxaa uu hore usoo noqday tababare ku xigeenka xulka qaranka ee Belgium, waxaana uu sidoo kale mar kamid ah rag loo soo xulay inay tababare u noqdaan kooxda Aston Villa ee horyaalka Ingiriiskia bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-ka.

COMMENTS
LINKS