Kooxda Chelsea Oo Finalka U Soo Baxday Xalay Markii Ay Ka Badisay Tottenham. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Chelsea Oo Finalka U Soo Baxday Xalay Markii Ay Ka Badisay Tottenham.
January 25, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)  Kooxda Chelsea ayaa u soo baxday finalka EFL Cupka kadib markii ay rekoodhayaal ku garaacday kooxda Tottenham. Chelsea ayaa waqtigii rasmiga ahaa ee kulankii Stamford Bridge waxay guul 2-1 ah ka gaadhay Tottenham balse wadarta labadii kulan ee martida iyo minanka ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah taas oo keentay in rekoodhayaal toos ah ay labada kooxood ku kala baxeen.

Chelsea ayaa finalka EFL Cupka ee Wembley Stadium balan kaga samaysatay kooxda Pep Guardiola ee Manchester City oo isla kulankii lugtii kowaad ee afarta dhamaadka sii carbuumatay finalka Wembley Stadium.

Chelsea ayaa ku soo baxday rekoodhayaal 4-2 ah iyada oo Eri

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

TOTTENHAM (4-2-3-1): Paulo Gazzaniga; Serge Aurier, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Ben Davies; Eric Dier, Harry Winks; Moussa Sissoko, Christian Eriksen, Erik Lamela; Fernando Llorente.

Kaydka: Hugo Lloris, Danny Rose, Davinson Sanchez, Kyle Walker-Peters, Oliver Skipp, Georges-Kevin N’Koudou, Lucas Moura.

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, David Luiz, Antonio Rudiger, Emerson; Jorginho, N’Golo Kante, Ross Barkley; Pedro, Eden Hazard, Olivier Giroud.

Kaydka: Willy Caballero, Ethan Ampadu, Marcos Alonso, Mateo Kovacic, Callum Hudson-Odoi, Willian, Lucaz Piazon.

Chelsea ayaa doonaysay in ay ka soo kabsato goolkii ay Tottenham guusha ku gaadhay kulankii lugtii hore ee afarta dhaamadka EFL Cupka iyada oo Spurs kulanan iskeentay iyaga oo dhexda kaga jiray dhibaato wayn oo dhaawacyo ah waxaana weerarka Tottenham hogaamiyay Llorente iyada oo Harry Kane, Delle Alli iyo Son ay dhamaantood Spurs ka maqnaayeen.

Laakiin Sarri ayaa shax xoogan la soo shirtagay isaga oo doonayay in uu Chelsea la soo gaadho finalkiisii ugu horeeyay ee EFL Cupka waxayna qaybtii hore ee ciyaartu ahayd mid ay Chelsea wax walba ku fiicnayd oo ay Tottenham dhibaato badan ku abuurtay.

Daqiiqadii 27 aad Chelsea ayaa keensatay goolkeeda furitaanka ee ay ku barbaraysay natiijada kulankii lugtii hore ee ay Tottenham guusha soo gaadhay, waxaana goolka Blues u saxiixay N’Golo Kante kaas oo darbo uu ka soo tuuray meel 20 yards u jirtay goolka Spurs ku dhaliyay goolka ay kooxdiisu sida wayn ugu baahnayd iyada oo Sissoko  uu ku fashilmay in uu kubbada joojiyo.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Chelsea hogaanka kula wareegtay balse barbaro ku ah wadarta labada kulan balse Chelsea ayaa sii wadatay qaab ciyaareedka fiican ee ay Stamford Bridge ugu bilaabtay iyaa oo raadinasyay goolkeeda labaad.

Daqiiqadii 33 aad musiibada dhaawacyada Tottenham ayaa halkooda ka sii socday wuxuuna dhaawac soo gaadhay Davies kaas oo dalbaday in garoonka laga saaro waxaana kaydka laga soo kiciyay Danny Rose.

Daqiiqadii 38 aad Eden Hazard ayaa kooxdiisa Chelsea u dhaliyay goolka ay gabi ahaanba Blues dhinaca kale ugu dhigtay guuldaradii kulankii lugtii hore ee EFL Cupka ay kala soo kulmeen Tottenham, wuxuuna Hazard meel dhaw ka dhamaystiray gool caawin fiican oo uu Azpilicueta u soo sameeyay.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Chelsea hogaanka ku dheeraysatay balse wadarta natiijada labada kulan ayaa noqotay 2-1 ay isla Chelsea hogaanka ku haysay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay isla natiijadan iyada oo shaqada ugu badani sugaysay kooxda martida ahayd ee Tottenham.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Tottenham ayaa bilawday in ay raadiso goolka ay natiijada wadarta labada kulan ku barbraayn kartay iyada oo Chelsea raadinaysay goolka saddexaad si ay Spurs u niyadjabiso.

Daqiiqadii 50 aad Tottenham ayaa markiiba heshay goolka ay rajadii kooxdeeda si layaableh ugu soo celisay waxaana goolkan u saxiixay xidiga aan magiciisa waqtiga dheer saxaafada ka soo muuqan ee Fernando Llorente kaas oo caawin ka helay Danny Rose.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-1 ay Chelea wali hogaanka ku hayso balse natiijada guud ee labada kulan ayaa noqotay 2-2 ay Tottenham suurtogal ka dhigtay in hogaankii Chelsea uu meesha ka baxday waxayna labada kooxood ka bilaabeen in ay maskaxda ku qabtaan in rekoodhayaal laysla gaadhi karo sida uu shaciga cusub ee EFL Cupku dhigayo haddi laba kooxood ay kulanka lugta labaad barbaro galaan.

Daqiiqadii 58 aad Chelsea ayaa heshay fursad wayn kadib markii uu Kante awooday in uu sii daayo Hazard oo haystay fursad gool dhalineed laakiin xidiga reer Belgium ayaa awoodi waayay in uu dhaliyo goolkiisa labaad iyo kan saddexaad ee ay Blues sida wayn ugu baahnayd.

Daqiiqadii 68 aad tababaraha Tottenham ayaa ciyaarta ka saaray xidigii goolka u dhaliyay ee Fernando Llorente wuxuuna ciyaarta soo galiyay Lucas Moura waxayna ciyaartu noqotay mid adkaatay oo ay koox kastaaba cabsi gaar ah qabtay.

Daqiiqadii 76 aad Maurizio Sarri ayaa ciyaarta soo galiyay Willian wuxuuna saaray Pedro Rodriguez waxayna labada kooxood galeen xaalad adag oo ay ku raadiyeen goolka ay ku soo bixi kareen.

Dhamaadkii ciyaarta labada Sarri iyo Pochettino ayaa ciyaarta soo galiyay Kovacic iyo Sánchez iyada oo ay badaleen Ross Barkley iyo M. Sissoko.Dhamaadkii ciyaarta ayay Tottenham bilawday in ay difaacasho adag samayso si ay rekoodhayaal ciyaarta u gaadhsiin karto.

Ugu danbayn waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta iyo daqiiqadihii koobnaa ee lagu daray ayaa ku dhamaaday 2-1 ay Chelsea guul ku gaadhay balse natiijada wadarta labada kulan ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah taas oo keentay in ciyaarta rekoodhayaal lagu kala baxo.

COMMENTS
LINKS