WAJAALE NEWS
Manchester United iyo Chelsea oo ku kala bixi doona wareegga 5-aad ee FA Cup-ka
January 29, 2019 - Written by Reporter:

Kooxda Chelsea ee difaacaneysa koobka FA Cup-ka ee dalka Ingiriiska ayaa marti galin doonta kooxda Manchester United oo hore koobkan ugu guuleysatay 12 jeer.

Labadan kooxood oo uu sannadkan xifaaltan gaar ah ka dhexeeyo marka laga hadlayo FA Cup ayaa isku arkay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee dhacday sannadkii hore.

Inkastoo ay Chelsea kulankaas ku hanatay koobka, waxa ay hadda u muuqataa sidii in ay ciyaartaas ku celis tahay, maadaama ay labada kooxood midkood go’aan ka gaadhi karto in kooxda ka soo horjeedda aysan gaadhin ilaa Fiinaalka.

Taasi micnaheeda waa in ciyaarta dhex mari doonta Chelsea iyo Manchester United ay tahay mid kama dambeys ah isla markaana aysan dhaceynin in labadan kooxood ay sidii sannadkii hore fiinaalka u wada gaadhaan.

Dhinaca kale, haddii aynu eegno isku aadka kooxaha kale ee ku jira tartankan, kooxda ka ciyaarta horyaalka League Two-ga ee Newport County ayaa fursad u heysata iney marti galiso kooxda Manchester City ee heysata horyaalka Premier League.

Chelsea iyo Manchester United ayaa isku arkay finaalkii 2018

Laakiin waa haddii Newport County ay kusoo adkaato ciyaarta ku celiska ah ee ay la yeelan doonto kooxda Middlesbrough.

Naadiga Doncaster Rovers oo ka tirsan horyaalka League One-ka ayaa rajeyneysa iney ka soo baxdo kooxda Crystal Palace oo ay isku soo beegmeen.

Kulamada wareegga 5-aad ayaa dhici doona inta u dhaxeysa 15-ka ilaa 18-ka bisha February.

Isku aadka wareegga 5-aad oo dhammeystiran:

Bristol City waxay ka hor tagi doontaa mid ka mid ah labada kooxood ee kala ah Shrewsbury Town iyo Wolverhampton Wanderers

AFC Wimbledon waxay la ciyaari doontaa Millwall

Doncaster Rovers waxaa garoonkeeda ugu imaaneysa Crystal Palace

Manchester City waxay marti u noqon doontaa mid ka mid ah labada kooxood ee kala ah Middlesbrough iyo Newport County

Chelsea waxay foodda dari doontaa Manchester United

Swansea ayaa ka dhur sugeysa kooxdii soo adkaata kulanka dhex mari doona Barnet iyo Brentford

Watford waxay u safri doontaa Portsmouth ama Queens Park Rangers midkood.

Kooxda Derby County ayaa iyadana ka hor tageysa middii soo baxda labada kooxood ee kala ah Brighton & Hove Albion iyo West Bromwich Albion.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews