Madaxweynaha JSL oo Tacsi Ah U Diray Qoyskii iyo Ehelkii Uu Ka Baxay Cumar Suldaan Cabdiraxman | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL oo Tacsi Ah U Diray Qoyskii iyo Ehelkii Uu Ka Baxay Cumar Suldaan Cabdiraxman
February 1, 2019 - Written by Reporter:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo ku geeriyootay xalay oo ay taariikhdu ahayd 01/02/2019, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka Suldaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo ay walaalo ahaayeen marxuumka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse oo ku geeriyootay xalay oo ay taariikhdu ahayd 01/02/2019, Magaalada Hargeysa.

waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi madaxda dhaqanka ee gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS