Muranka Guddida Doorashooyinku Saddex Arimood Mid Uun Buu Ku Dhamaan!!Qalinkii;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muranka Guddida Doorashooyinku Saddex Arimood Mid Uun Buu Ku Dhamaan!!Qalinkii;Barkhad-ladiif.
February 1, 2019 - Written by Editor:

Tan Iyo Intii golaha Guurtiddu u kordhisay golaha Wakiiladda madaxweynuhu wax talaabo ah ama go’aan ah muu qaadin, waxaanay u muuqataa inuu arrinku ku baahay ka dib markii Guurtiddu u cayintay doorashadu inay dhacdo wakhti Komishankan muddo xileedkoodu ka dhamaaday, waxaanu xisbiga kulmiye iyo madaxweynuhu doonayeen in Guurtiddu ku salayso muddo kordhintii wakhtigii labada xisbi ee kulmiye iyo UCID isla garteen oo ahayd November, nasiib darose ma dhicin, inkastoo komishanku ka soo horeysiin karaan mudadda guurtiddu cayintay .

Hadabba, xalka murankani wuxuu noqonaysaa Saddexdan arrimood in mid uun ku dhamaado:

1; Inuu madaxweynuhu qaato go’aan ah inuu hawlgaliyo komishankan oo ay sidaas ku hawlgallaan,isla markaana hawlihii horyaallay ee ay sheegeen inay tobanka bilood ku dhamayn karaan deg deg u guda galaan, isagoo madaxweynuhuna barbar waddo xal u helidda saamiyadda xildhibaannada ee goboladda oo gobol walba laga saluugsan yahay qoondadda ay ku leeyihiin Wakiiladda. ka dibna ka hor muddo xilleedkooda oo ku beegan bisha November ay dalbadaan inay xisbiyadu soo gudbiyaan musharaxiintooda, taasinay waxay iska hor keeni kartaa musharaxiintii xisbiga WADDANI ka sharaxnaa iyo xisbigoodda, ka dib markay labadda xisbi ee kale gudbiyaan musharixiintoodii, musharaxiinta WADDANI waxay ku qabsi doonaan in xisbigoodu ka soo dabco go’aankiisii hore maadama oo kuwo isku deegaan yihiin oo ay tartan ku wada jiraan labadda xisbi ee kale ka sharaxan yihiin, ka dibna 12 cisho ee muddo xileedkoodii dhaaftay lagu heshiin doonno in loo kordhiyo maadaama oo uu dastuurku dhigayo in loo kordhin karo, sidoo kale muddo 12 cisho ah komishan cusub aanay doorasho qabin karin.

2.;Mudadda komishanku waddo diwaangalinta dadkii qaangaadhay iyo kuwii maqnaa in lagu xaliyo in komishanka gudoon cusub doortaan oo ugu yaraan laga bedelo gudoomiyihii hore iyo ku xigeenkiisii, taasina ay noqon karto xal la iskugu soo dhowaado.

3.;In la kala diro oo komishan oo laga dalbado inay is casilaan, maadaama oo aan la eryi Karin sida uu xeerkoodu tilmaamayo, isla markaana xubno cusub la soo doorto mar labaadna la kordhiyo mudadda doorashaddu dhacayso maadama oo muddo ku qaadanayso komishanka cusub inay la qabsadaan shaqada hortaalla.

 

QALINKII; Barkhad-ladiif Maxamed Cumar.

COMMENTS
LINKS