Qadar oo ku guulaysatay koobka Asian Cup | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qadar oo ku guulaysatay koobka Asian Cup
February 2, 2019 - Written by Reporter:

Waddanka Qadar ee lagu wado inuu marti galiyo ciyaaraha koobka adduunka ee sannadka 2022-ka ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay koobka Aasiya, ka dib markii ay 3-1 uga badiyeen xulka qaranka Japan.

Japan oo 4 jeer hore u soo qaadday koobkan ayaa guul darro weyn kala kulantay ciyaartoyda xulka Qadar oo u muuqday iney ka go’neyd sidii ay koobkaas ugu galbin lahaayeen waddankooda.

Qadar ayaa hore cagta u soo marisay xulka Imaaraadka Carabta ee marti galiyay koobkan, kuwaasoo ay kusoo garaaceen 4-0, si ay ciyaarta kama dambeysta ah ugu soo gudubto.

Waxay hore guul darro u soo bidday xulka Sacuudi Carabiya, iyadoo la ogyahay in Imaaraadka iyo Sacuudiga uu khilaaf xooggan oo siyaasadeed kala dhexeeyo dowladda Qadar.

Ciyaartii Fiinaalka ee dhacday Jimcihii ayaa ahayd mid si weyn loo wada sugayay natiijadeeda.

Almoez Ali oo weerarka uga ciyaara xulka Qadar ayaa dhaliyay goolkiisii 9-aad ee tartankan wuxuuna noqday ciyaartoygii goolasha ugu badan abid ka dhaliyay 1 tartan oo koobka Aasiya ah.

Abdulaziz Hatem ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, ka hor inta aysan Japan la imaanin 1 gool.

Qatar, ranked 93rd in the world, had to face plenty of odds in winning the AFC Asian Cup 2019 tournament for the first time. (Image credit: Twitter)

Gool saddexaad oo uu Akram Cafif u dhaliyay xulka Qadar ayaa u sii dheereeyay hoggaanka, iyadoo natiijadaas 3-1-ka ah ay ku dhamaatay ciyaarta, waxayna guul taariikhi ah halkaas ku raacday ciyaartoyda Qadar.

Qadar oo ah waddan ay cimiladiisu kulushahay ayaan taariikh fiican ku lahayn ciyaaraha kubadda cagta, waxaana iyadoo arrimahaas la cuskanayo muran galinayay go’aanka ay FIFA ugu oggolaatay marti galinta ciyaaraha koobka adduunka ee 2022-ka.

COMMENTS
LINKS