Halkan Ka Akhri; Maansada “Guubaabo” Iyo Abwaan Axmed Cismaan Batuun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri; Maansada “Guubaabo” Iyo Abwaan Axmed Cismaan Batuun.
February 2, 2019 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N) Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo kamida hal abuurka reer somaliland ayaa tiriyay maansada cusub ee  Guubaabo taasi oo uu kula hadlayo bulshada islamarkaana uu ku dhiri galinayo in ay dadaal Muujiyaan.

HALKAN KA MAANSADA GUUBAABO IYO NUXURKA AY XABAARSAN TAHAY.

  • Ged iyo waa talo aduun
  • Gumaysina waa jahliga
  • Guusbaa lagu ciil baxaa
  • Gashina waa laga koraa
  • I maal garashaa ku tidhi
  • Go,aanbaa yidhi ku raac
  • Garbaa tidhi waa sidaa
  • Bilaashna umaan godlane
  • U jeedo shinkeed galaan
  • Dhanbaalka usoo ganee
  • Intaad garataan qasdiga
  • Warkana aad iga gurtaan
  • Gaadhsiiya halkay lahayd
  • Guubaabo waxay ku tidhi
  • Gunaadbaa jira qarsoon
  • Faraadin gargaari karo
  • In loo geeyana bogsigu
  • Goorteeduu fiicanyahay
  • Ladh iyo gocashana ogow
  • Markuu caashaqu guntado
  • Geyaankii dookh u galo
  • Hadaan guur looga deyin
  • Inaan garab joogsi dhayin
  • Gaabsina uu yahay cadaab
  • Islaam wuu garanayaa
  • Anoon garyaqaan is bidin
  • Bulshaan gaadhkeed ahee
  • Tixdaydoon qolo gujayn
  • Hadaan gutay waajibaad
  • Gadaal waxan soo watiyo
  • Gadaanka araarta taal
  • Gef yaan loo qaadanine
  • Gardaadiya oo bogtoo
  • Gudooma tilmaamahaa:
  • Maxaa ruux naga galbaday
  • Gadmaday oo leexdayoo
  • Garaadkii lagu bartiyo
  • Wixii gobanimo ku jiray
  • Intuu galay meelo daran
  • Giriifay tilmaanta oo
  • Ganbiyay sharaftuu lahaa
  • Maxaa hebel geesiyoo
  • Gankiina majeerto oo
  • Gayiga hiil looga rabay
  • Hanyare guubaabiyoo
  • Intuu door biday gunada
  • Awood ku gabood faloo
  • Dan gaara inuu yabyabo
  • Dantii guud uga hadhoo
  • Galladi inay tahay sidaa
  • U qaba oo guul is biday!
  • Maxaa gaan kala fadilan
  • Oo qaar gasariir asturan
  • Astaan guud looga dhigay
  • Intoodii gaasirnayd
  • Xaqiiqdu gumaysayoo
  • Geeraar lagu miisay iyo
  • Tiraab iyo gabayo lumay
  • Maxaa hebel geedka yimi
  • Xumaanta ka giigi jiray
  • Maantana aan kala gurayn
  • Gurraca iyo toos midnaba
  • Maxaa gar ma qaate jira
  • Guddoon iyo sama ka talin
  • Galaangal ka jooga oo
  • Gufays isagoon u hurin
  • Goobtuu ka masuul ahaa
  • U guuxaya meel ka wayn
  • Maxaa gaban dood shalay
  • Gef maaha sidaasi yidhi
  • Garoonka markuu ka baxay
  • Giriifaya maanta oo

Canbaarayn guudka sudha

  • Maxay garabdaartu tidhi
  • Gaashaanqaadkaa bahdilan
  • Kaskiisu wuxuu u gudhay
  • Intuu gini qaataybuu
  • Run sheegis ka gaabsadoo
  • Wuxuu galay eedo culus
  • Giraan jirjiroole wado
  • Hadhkana labadiisa gelin
  • Gedida muuqay lahayd
  • Amaba geed wareega iyo
  • Sidii gabaldayaha noqay
  • Jiilkii la gaboodsan jiray
  • Markay gabadano jirtoo
  • Geesnaba kuma waarayee
  • Talada garab qudha hadii
  • Tirada gudub loogu raro
  • Tarbaa godob kuu noqdee
  • Bad kale inta aan gelin
  • Aan kuusoo gaabiyoo
  • Gunaanadka aan tagee
  • Gurmadka aynu raadinaa
  • Guurguurka danaysta iyo
  • Gucliyo hadba meel ahaw
  • Miyuu yahay labagardaaq
  • Saxnaani halkay gashaa
  • Gaddaasna waxaa u yaal
  • Gugii jiilaal martiyay
  • Gasiinkana looga dhigay
  • Gubtaanyo lasoo jarjaray
  • Dedaalkuna wuu gudhaa
  • Haduu guuraha badsado
  • Hortiisuna tahay gawaan
  • Guushana fureheedu waa
  • Gacmaha oo wada jiree
  • Hadaad ila garanaysaan
  • Murtida waan kuu guntoo
  • Garbaan ku adkeeyayoon
  • Ku giijiyay heeryadoo
  • Gorfaynta waxaan arkaa
  • Xadkay gudub leedehee
  • Waxaanse ku goynayaa
  • Intay garashada bulshadu
  • Hebelo isu guuxayiyo
  • Qabyaalad u goohayaan
  • Dalkana goleyaasha jira
  • Halbeeg lagu kala guraa
  • Gidaar reernimo u yahay
  • Gudina aan dhaari celin
  • Dibaa loo guranayaa
  • Xuseenoow galabta oo
  • garaadku hadaanu odhan
  • guriga waxa laga unkaa
  • gondaha oo ugu haboon
  • Dadkii loosoo gubtee
  • hantiyay gobanimada taal
  • Inay gaadhaan filkood
  • Umay gogol xaadhanine
  • Ilaahoow noo gargaar.

 

ABWAAN AXMED CISMAAN BATUUN. 

COMMENTS
LINKS