Nin lagu qabtay dhal Harmacad oo uu boorso ku watay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin lagu qabtay dhal Harmacad oo uu boorso ku watay
February 3, 2019 - Written by Reporter:

Nin rakaab ah oo ka soo safray dalka Thailand kuna socday dalka India ayaa lagu xidhay gega diyaaradeed oo ku taalla dalka India kaddib markii ay shaqaalaha Jibriga Boorsadiisa ka soo saareen dhal Harmacad oo bil jira.

Shaqaalaha baadhitaanka alaabada rakaabka ee gigada diyaaradaha dalka India ku taalla ayaa waxaa shaki ku abuurmay kaddib marki boorso uu qof ka mid ah rakaabka diyaarad soo caga dhigatay uu sitay ay ka maqleen cod boorsada dhexdeeda ka yeedhaya, baadhitaan kaddibna waxaa la helay dhalka Harmacadka oo boorsa ku jira.

Ninkan oo looga shakisan yahay inuu sitay Dhalka Harmacadka oo ka soo degay Gigada diyaaradaha ee Chennai wuxuu ka soo kicitimay magalada Bangkok ee dalka Thailand.

Shaqaalaha baadhitaanka gigada diyaaradaha ayaa Wakaaladda wararka ee AFP waxay u sheegeen iney baadhitaan ku wadaan inuu ninkani ka mid yahay dadka sida sharci darrada ah xayawaanaadka u gudbiya iyo inkale.

Dhal Harmacad oo lagu qabtay India

Ninkan arrintan lagu haysto oo 45 jir magaciisana aan la shaacinin ayaa “si cadha leh uga jawaabay” xilli ay su’aalo weydiinayeen ciidanka baadhitaanka ee Airboodhka.

Waxayna ciidanka Harmacadkaasi gacanta ku dhigay sheegeen “inuu shoogsanaa isla-markaana daal badan laga dareemayey”.

Khubarda dhinaca duur joogta ku xeel dheerna waxay baadhitaan ku wadaan Harmacadkaasi halka laga soo qabtay iyo nooca uu yahay intaba

COMMENTS
LINKS