Alle ha Unaxariistee Waxaa Caawa fiidkii Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Marxuum Axmed Cabdilaahi Cali Oo kamida Ganacsatada Reer Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alle ha Unaxariistee Waxaa Caawa fiidkii Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Marxuum Axmed Cabdilaahi Cali Oo kamida Ganacsatada Reer Somaliland.
February 4, 2019 - Written by Editor:

INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Alle ha,Unaxariistee Waxaa caawa fiidkii Cisbitaalka Hargaysa Natroolaji Ee magaalada Hargaysa ku geeriyooday Marxuum Xaaji Axmed Cabdilaahi Cali oo kamid ahaa Ganacsatada reer somaliland. Marxuumka ayaa ugeeriyooday kadib markii xanuun kusoo booday saaka.

Waxaa tacsi tiiraanyo leh udiraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo guud shacabka reer somaliland Marxuumku

Madaxdhaqameed, masuuliyiin, iyo guud ahaan bahdii ay fadhi wadaagta ahaayeen,

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse  “waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysii iyo qaraabadii iyo shacabka reer somaliland ee uu ka baxay Marxuum Axmed Cabdilaahi Cali Waxaan Leeyahay iIaahay Samir Iyo Iimaan Saadiqa Haynaga Siiyo Gaar Ahaan  Qoyskii uu baxay/

Waxaan Ilaahay Uga Baryaynaa in uu fududeeyo Su,aasha Qabriga Janatul fardawsana Geeyo, aamin aamin

“Runtii Marxuum Axmed Cabdilaahi aqoon gaara ayaan u lahaa Wuxuu ahaa adoon ilaahay ku manaystay gudashada cibaadada Allah ,Deeqsino Dad jacayl “

Ilahaay Qabriga  ha unuuro Aamin Aamin

Sidoo kale waxaa tacsi tiiraanyo leh udiraya  qoyskii iyo guud ahaan shacabka ee uu ka baxay Marxuum Axmed Cadilaahi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan isagoo ku hadaya afka madaxdhaqameedka somaliland iyo guud shacabka gobolka gabiley.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska iyo qaraabadii iyo shacabka reer somaliland .ganacsatada ee uu baxay Marxuum Axmed Cabdilaahi Cali oo caawa fiidkii xaqii ku yimid waxaan leeyahay dhamaan ilaahay samir iyo iimaan haynagasiiyo qoyskii uu ka tagayna ilaahay samir ka siiyo waxaan marxuum ilaahay uga baryaynaa in uu qabriga unuuro janatul fawdowsana geeyo aamin aamin,

Dhanka kale waxa tacsi taa lamid ah udiraya qoyska iyo qaraabadii uu baxay marxuum Axmed Cabdilaahi Cali odayaal, waxgaradka iyo bahdii ay fadhi wadaagta ahaayeen.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun, noolaba waa dhinte

 

 

COMMENTS
LINKS