“Muddo Ku Dhaw Sagaal Sanadood Sabab Macquul ah Miyay Tahay, In Mudo Dhaafka Doorashada Wakiiladu Ay U Qabsoomi kari Wayday Saami-Qaybsiga 82 kursi”Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muddo Ku Dhaw Sagaal Sanadood Sabab Macquul ah Miyay Tahay, In Mudo Dhaafka Doorashada Wakiiladu Ay U Qabsoomi kari Wayday Saami-Qaybsiga 82 kursi”Cali Guray
February 5, 2019 - Written by Editor:

WAADAAN KA ADKIYE WAX KALAA JIRA!

Muddo ku dhaw sagaal sanadood sabab macquul ah miyay tahay in mud dhaafka doorashada wakiiladu ay u qabsoomi kari wayday sida dadka loo sheego saami-qaybsiga 82 kursi ee golaha. Anigu ma rumaysan karo oo waxan leeyahay waadaan ka adkiye wax kalaa jira. Beesha Dhexe 57 kursi ayay ku heshay ama ku qaadatay doorashadii 2005tii halka beelaha kale ay ku heleen ama lagu siiyay 25 kursi. Taasi waxay kuligeedba burinaysaa in saami-qaybsigii doorashada lagu saleeyay saami-qaybsigii 33kii kursi ee lixdankii oo 13 kursi ay lahaayeen beelaha kale oo marka loogu dhufto 2.5 u noqonaysay 33 kursi. Taasi macnaheedu waxay tahay in 8 kursi oo dheeraad ah ay beech dhexe ka boobtay beelaha kale ee Somaliland. Kuraasida ugu badani waxay ka dhiman tahay beelaha bariga gaar haan Dhulbahante oo lahaa lixdankii 5kursi saami u yeelanayay 12.5.

Hadaba aniga wax isu kay laban la’ midnimada iyo wadajirka Somaliland waa muhiim iyo hadana sida wax loo wada yeelanayo ama loo wada yeelan lahaa oo aad runta uga fog runta. Hadii ay sidan ku sii socoto Somaliland iyo beelaha barigu way sii kala fogaan markaas maxay tahay midnimada iyo wadajirka laga hadlayaa?

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS