Marxuum Axmed Cabdillaahi Cali: Samafalihii Dunta Wanaagsanaa!.W/Q Siciid M, Gahayr. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marxuum Axmed Cabdillaahi Cali: Samafalihii Dunta Wanaagsanaa!.W/Q Siciid M, Gahayr.
February 5, 2019 - Written by Editor:

Marxuun Axmed Cabdillaahi Cali: Samafalihii Dunta Wanaagsanaa!

Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuun Axmed Cabdillaahi Cali oo ahaa muwaaddin, ganacsade iyo samafale ku noolaa magaalada Hargeysa. Qof ahaantayda waxa uu ku leeyahay xasuus gooni ah. Axmed waxa uu doorka ugu weyn ka qaatay Safarkii Hal-abuurka ee Nabadaynta Sanaag oo aanu 24kii Mey 2018 illaa 5tii Juun 2018ka ku tagnay Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.

Axmed waxa uu naga diiday in aanu ku xusno, ugu mahadnaqno ama bogaadinno “Waxba aniga ha i sheegina” ayuu yidhi. Waxa aan Eebbe uga baryayaa in uu ugu daro miisaanka xasanaadka. Addoon wanaagsan oo summadaha ehlu-jannada ah ayuu ahaa.

Waxa uu u geeriyooday xanuun ku soo booddo ah, maanta ayaa lagu aasay xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa. Eebbe godka ha u nuuro.. Innaa lillaah wa innaa ilayhi raajicuun.

 

 

COMMENTS
LINKS