Midhihii Ay Dhashay Doorashadii 13 nov 2017 Waxa ka Mid ah In Lagu Mashquulo Xanaftii Doorashada Iyo Mideynta Dadka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midhihii Ay Dhashay Doorashadii 13 nov 2017 Waxa ka Mid ah In Lagu Mashquulo Xanaftii Doorashada Iyo Mideynta Dadka Somaliland.
February 5, 2019 - Written by Editor:

Markii aynu xisbiyadii qaranka si aad uga duwan waxii loo aasaasay ka dhignay, doorashooyinkiina reero tartamaya oo sooc ah noqdeen , waayo way jiri kartaa in xisbiba beelo ku bataan ama deegaan haddana dadka kale kamuu madhnaan jirin halagu kala xoogbato e.

Doorashadeenii waxa ay dhashay wax ilaa maanta lagu hawlan yahay oo magacyo badan loo kala bixiyey oo ay ka mid tahay ” Xanaftii doorashada ” iyo ” isku soo dhaweynta dadka ” ” Mideynta Somaliland ” Iwm.

Axsaab tartantay oo kala guulaysatay ayuun bay ahaan lahayd maanta sida aduunka kale , markaa halkaa waxa inagaga yimid xagal daac ay keentay isku faankii iyo hirdankii reeraha anagaa idinka badan iyo hadaanu afka ciida idiin dari wayno la is lahaa.

Masuuliyadaa waxa lahaa oo qaabkaa u dhigay hogaankeenii siyaasada iyo hogaankeenii dhaqanka labaduba oo ah hormoodka umada iyo cidii ay dadku eeganayeen ee qaabka ay u dhaqmaan iyo halka ay maraan la marayey.

Somalidu qabiilka iyo isku doorashadiisu wax inagu cusub maaha oo nidaam beeleed ayaabaynu wax ku dooran jirnay ee waxa inagu cusub xulafo reereedyo xoog badan oo shaadhkiiba ka saaray siyaasadii dalka ayaa samaysmay oo lagu tartamay.

Waxa iyaduna raad reebtay dadkiina wax kala galisay saluugii iyo shakigii uu xisbiga mucaaridka ah ee wadani ka muujiyey natiijadii doorashada madaxtooyada Somaliland ee dhacday 13 NOV 2017 kii.

Isku soo wada ururiyoo ilaa maanta waatan la leeyahay boogihii doorashadaa la dhayayaa, dadkii ay kala fogeysay baa la isku soo dhaweynayaa oo aynu arkayno saameynta ay dalkii ku yeelataye, maxaa damaanad ah in aan mardambe qaabkan oo kale loo tartami doonin?

Goorma ayeynu hogaanka inoogu wanaagsan dooran doonaa ee ku haboon kursiga inta aynu kuyuuga ugu jirno imika waa markii reer hebel, reer hebelna doorka dambe ayey leeyihiin, bal yar fikiroo maxaa midho ah ee aynu ka fili karnaa hadii noocaas waxeenuba noqdaan.

Waxa aan ku talin lahaa imika ayeynu dhownahay ee axsaabta siyaasada dib u habeyn ha lagu sameeyo oo noqdaan qaar dadka is dhex galinaya oo kaalintoodii xisbinimo ka soo baxa , hadii kale waxa soo muuqata uun reero la isku dili doono oo ay ina galin karo nidaamka noocan ahi dagaalo sokeeye sidii horeba u soo dhacday.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS