Gabadhii dhalatay iyadoo wadnaheedu uu bannaanka ka shaqeynayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadhii dhalatay iyadoo wadnaheedu uu bannaanka ka shaqeynayo
February 7, 2019 - Written by Reporter:

Gabadh yar oo dhalatay iyadoo wadnaheedu uu bannaanka yaallo ayaa loo oggolaaday in guriga la geeyo, si ay ugu noolaato, ka dib markii ay 14-kii bilood ee ugu horreeyay nolosheeda ku qaadatay Cisbitaalka.

Vanellope Hope Wilkins, oo aan lahayn lafta xabadka ayaa 22-kii bishii Nofember ee sannadkii 2017-kii ku dhalatay Cisbitaalka Glenfield ee ku yaalla magaalada Leicester ee waddanka Ingiriiska.

Waxay gabadhan yar gashay saddex qalliin oo lagu doonayay in wadnaheeda dib loogu celiyo jidhka waxaana hadda laga saaray Cisbitaalka magaalada Nottingham ee lagu magacaabo Queen’s Medical Centre.

Bishii May ee sannadkii la soo dhaafay ayaa loo gudbiyay Cisbitaalkan, si loogu dhaweeyo guriga ay waalidiinteeda dagan yihiin.

Vanellope Hope Wilkins waxay 14 bilood ku jirtay isbitaalka

Dhowr jeer oo hore ayaa guriga qoyskeeda loo geeyay booqasho, hase ahaatee markan ayaa loo fasaxay iney si caadi ah ula noolaato reerkeeda.

Xaaladda caafimaad ee ay ku dhalatay gabadhan ayaa ahayd mid dhif iyo nadir ah oo dhakhaatiirtu ay aad ula tacaaleen.

Dean Wilkins oo ah aabaha dhalay gabadhan ayaa ka mid ah dadka aad ula dhacsan sida ay ku noolaatay.

“Waa gabadh halyeey ah oo dagaalyahanad ah, arrintaasna way caddeysay runtii, walina waxay dagaal ugu sii jirtaa nolosheeda, annaguna waan ku garab taagan nahay”, ayuu yidhi Mr Wilkins.

Muddadii 14-ka bilood ahayd ee ay ku jirtay isbitaalka, waalidiinteedu waxay barteen sida loo xannaaneeyo isla markaana loogu fuliyo baahiyaha gaarka ah ee ay leedahay gabadhooda.

Hooyadeed iyo aabaheed waxay muddo dheer ka walwalsanaayeen xaaladdeeda caafimaad

Waa arrin xiiso leh iney noo badbaadday, laakiin intii lagu jiray wakhtiga ay nolosheeda u dagaallameysay waxaan wajahnay walwal faro badan”, ayey tidhi, Naomi Findlay, oo ah hooyada dhashay gabadhan nolosha cajiibka ah heshay.

Dhakhaatiirta iyo howl wadeennada kale ee isbitaalka ayaa iyagoo aad u faraxsan sagootiyay qoyskan oo markii ugu horreysay kaxeystay gabadhooda.

COMMENTS
LINKS