Madaxwayne Meeday Sarreyntii Sharcigu?W/Q;Muhumed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Meeday Sarreyntii Sharcigu?W/Q;Muhumed Dhimbiil.
February 7, 2019 - Written by Editor:

“Waxa Aan Rabaa in Aan ku Xasuusiyo Sidii Laguugu Guntaday Wakhti la Soo Maray Oo la Doonayey In Mu’aamaraad Lagugu Xidho Iyo Shani Baa la Qarxinayey”Dhimbiil.

Sharcigu In uu Sareeyo oo Uu Qofwalba ka Sareeyaa waa mid ku Qoran Xeerarka iyo Shuruucda Dalka jamhuuriyada Somaliland laakiin ku dhaqankeeda ma aragno oo muwaadiniin Badan ayaa lagu xad-gudbaa marwalba , iyaga oo wax sax ah ka Hadlay ama qabtayba.

Waxa Iyaguna jira dad Muwaadiniin ah oo lexojeclo iyo Wadaniyadi ka hadlinayso, abwaano, saxafiyiin iyo qaar Siyaasiyiin ah oo Siyaabo foolxun loo xidho ama loo sumcad dilo iyada oo lagaga aar gudanayo awooda qaranka ee umadu wada leedahay.

Waxa Aan Rabaa in aan ku Xasuusiyo sidii Laguugu guntaday Wakhti la soo maray oo la doonayey in mu’aamaraad lagugu Xidho iyo Shani baa la qarxinayey , wakhtigaasi oo aanu u Arkaynay in sumcad dil lagugu sameynayey oo aad looga dhiidhiyey arinkaasi lagugula kacayey.

Iyada oo ay jireen saxafiyiin iyo siyaasiyiin wakhtigaa si dhib yar inta loogu yeedhay la dhigey jeelasha waaweyn ee dalka oo awood dawladeed lagu muquuniyey adiguna aad dirqi kaga baxsatay arimahaa lagula maaganaa.

Waxa maanta jirta oo foolxumo ah in ra’yiga la cabiri kari waayo oo qofkii kaa fikir duwanaada aad ka saarto xisbiga Kulmiye ee aad gudoomiyaha iyo odeyga ka tahay , in lakala afkaar duwaanaadaa waa horumar adigana waa dawadaada iyo sidii aanad u noqon lahayn kalidii taliye waxa aad jeceshahay uun lagu maqashiiyo.

Madaxwayne dadku marka ay gudaha galaan waxba badan oo qaloocani uma muuqdaan, cidii waxa qaloocan farta ku fiiqdana waxa ay u fahmaan in lagu xumeynayo oo isaga loo jeedo, baahiyaha ay dadka danyarta ahi qabaan waxa aad ka arki kartaa xaafada ( state house ) ee gurigaaga iyo guriga madaxweynihii hore ee Siilaanyo midwalba u jirta min 30meter iyo xaafado kale oo badan oo magaalada cidhifyadeeda iyo gudaheegaba ah.

Doorashadeenii oo marwalba dib u dhacaysaa waxa ay niyad jab ku tahay kumayaal muwaadiniin ah oo han leh oo maalinwalba oo la kordhiyo quus ka soo istaaga dalka, laakiin hadii sidani sii jirto ay iman doonto in maalin uun laga tashado inta kuraasida ku fadhida.

Maanta hadalkaagii waxa ku jiray lama rabo xil doon iyo xoolo doon ee waxa la rabaa dad dalkooga u hura naftooda sida macalimiinta iyo askarta, maba xuma ee laakiin maxay ku nool yihiin kuwii dalkooga hore naftooda ugu soo huray?

Xoolo doonka waan kugu waafaqay ee laakiin xil doon waala noqonayaa oo adigaba waatii lagaa fadhiyi waayey, waa xuquuq ka mid ah xuquuqda muwaadiniinta reer Somaliland, dadkuna qofwaliba meel baa u muuqata uu is leeyahay waad gufayn kartaa oo waxbaad ka qaban kartaa halkaasi ee fursada siiya oo doorashooyinka qabta.

Dawladnimadu waxa ay ku wanaagsan tahay in la is nasiyo oo marba koox dardartooda wadata fursada la siiyo, waa waxa aduunyadu u samaysatay in qofku laba teeram uun uu xilka Madaxweynaha isku soo taago, xilalka kalena waa la mid, waxii intaa ka badani waa wax aan qofka laftiisa iyo dalkaba u wanaagsanayn.

Wax kasta oo wanaagsan oo aad qabataa dadka u muuqan maayaan hadii aad siin waydo fursada hogaaminta iyo talada , waxa aynu maalinwalba aragnaa tusaaleyaal nool oo aduunyada ka dhaca dal waxwalba haysta oo ku burbura gacanta qofkii waxaas oo horumar ah gaadhsiiyey.

Midna aan ku daro e anaga oo og duruufaha dalka hadana maanta waxa ugu liita shaqaalaha iyo ciidamada dalka , sida aynu u qurxino ee qiimo ugu yeelno ayey ku xidhnaanaysaa quruxda iyo waxqabadka dalkeenu , mar hadii aad lacagtii handaraabtay waa in ay gashaa cida mudan in ay ka muuqato kuwaasi oo ah shaqaalewaynaha iyo ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Halsano iyo bilo kadib

Madaxwayne meeyay hore u socodkii ?

Madaxwayne meeday sarayntii sharcigu?

Madaxwayne meeyey xoriyatul qawlkii?

Madaxwayne meeday dimuqaradiyadii iyo doorashadii?

Madaxwayne meeyey horumarkii?

Madaxwayne meeday cadaaladii?

Su’aalahan iyo qaar kale oo badani waxa ay ka dhex guuxayaan muwaadiniinta reer Somaliland intooda badan marka laga reebo inta ku agjoogta !!!

QALINKII; Muhamed Dhimbiil.

COMMENTS
LINKS