Waar Yaa Na Soo Kala Gaadha Nimankan Localka ah!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waar Yaa Na Soo Kala Gaadha Nimankan Localka ah!Prof Cabdi Cali.
February 9, 2019 - Written by Editor:

Wariye Mooge: bal ka warran maxaa ka jira in qofku xubinnimada luminayo, haddii uu xisbiga dhaliilo ama xukuumadda?

Sharci-doon: Ma siday ku fiican tahay mise in aanay danbi ahayn; waxay ku fiican tahay in ay hoos u dhammaystaan khilaafkooda; laakiin haddii la is qabto oo la isu joojin waayo, dee khilaafka xisbigu bannaanka wuu u soo bixi karaa; ma jiro wax diidaya in warbaahinta la iska dhaliilo.

Innagu waxaynu canjilaa xisbiyada reer galbeedka ee ma canjilo xisbiga Shiinaha ama midka Konfurta Kuuriya; immika M/weynaha Mareykanka Trump waxa dhaliila oo ka soo horjeeda qaabka uu dalka u xukumo rag waawaayn oo badan oo xisbiga Republic ga ah; maxaa looga saari waayay xisbiga. Waar aniga waxa i helay niman Local ah; waar BBC dana miyaanay dhegaysan; Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Theresa May xisbigeeda ayay ahaayeen kuwii dawladda uga dareeray ee Barlamaanka ku abaabulay si loogu qaado codka kalsoonida; maxaa looga saari waayay xisbiga?!!!

Qalinkii; Prof Cabdi Cali ku dhaqanka sarciga iyo ilaalinta xuquuqda xubinta xisbiga.

COMMENTS
LINKS