Askar Itoobiyaan Ah oo Ku Dhintay Shil Diyaaraddeed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askar Itoobiyaan Ah oo Ku Dhintay Shil Diyaaraddeed
February 10, 2019 - Written by Reporter:

Khartuum (WJN)- Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga dalka Koonfur Suudaan ayaa ku dhintay shil diyaaraddeed oo ka dhacay gudaha xeryo UN-ku leeyihiin.

Shilkan ayaa ka dhacay xero ku taala Abyei oo ku yaala xadka kala qeybiya dalalka Suudaan iyo Koonfurta Sudan, lamana sheegin ilaa iyo hadda sababta keentay bur burka diyaarada.

Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga 4,500 Askari, kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA ee ku sugan Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey.

Suudaanta koofureed ayaa Sanaddii 2011-kii ka go’day Suudaan inteeda  kale, waxaana Gobolka Abyey oo ah xadka labada dal ka billowday dagaallo salka ku haya Saliidda oo u dhexeeya Dowladda Jubba iyo  Malleeshiyaadka degaanka.

COMMENTS
LINKS