WAJAALE NEWS

Somalia Iyadaa Gurmad Iyo Waxtar U Baahan Maanta !!W/Q;Muhumed Dhimbiil.

Somalia iyadaa maanta gurmad inooga baahan iyo in aynu Somaliland ahaan wax ku tarno, hadii ay wax tari karto iyadaa is hagaajin lahayd.

Waan ka naxaa oo ka murugoodaa maatida iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee maalinwalba sida arxan darada ah loo laynayo.

Way iman doontaa maalin aad dhibka ka baxdaan oo ilaahay idin siiyo nabad galyo iyo nolol bilaa cabsi ah oo aad ku noolaataan.

Waan ogahay in dadka reer somalia aanay Somaliland iyo qadiyadeeda diidanayn iyo in wanaag iyo wada hadal walaalnimo lagu kala baxo.

Haseyeeshee waxa maalinba hogaanka u qabanaya koox marka muqdisho waxba ka qaban kari waydo oo amni iyo dawladnimo ku soo dabaali kari waayaan, doonaya in ay dab sudhaan somali oo dhan.

Somaliland waxa ay soo martay wakhtiyo ka adag ka maanta ay ku jirto, oo duqeyn iyo dagaal dawlad awood iyo cudud sheegatay ay ku haysay oo ilaahay ka soo saaray.

Maanta isma lihi warqado aduunyada loo qoro oo Somaliland lagu curyaaminayaa in ay hirgalayaan oo cida wax loo qorayaa way garanaysa cida wax laga qorayo iyo cida wax u qoreysaa halka ay kala taagan yihiin.

Ugu dambayn reer soomaaliya waxa aan leeyahay “nin aan idiin furi doonin maanta yaanu idiin rarin”

Qolyaha reer Somaliland na waxa aan leeyahay reer somalia way ina yaqaanaan maalinba qof yar cadhooday in uu u tago, waanay og yihiin in somaliland go’aan gaadhay oo uu meel u yaalle , taasina maanka ku haya.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

Exit mobile version