Khatarta Caafimaad Daro Ee ka Iman Karta Walxaha La Raaciyo Qashin Qaadista!Dr Buux Ibraahim. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khatarta Caafimaad Daro Ee ka Iman Karta Walxaha La Raaciyo Qashin Qaadista!Dr Buux Ibraahim.
February 10, 2019 - Written by Editor:

Waa in aad looga taxadiraa in aan la raacin qashinka waxyaabaha qarxa ama irbadaha farmasiyada iyo cusbitaalada kasoo baxa sidoo kale daawooyinka  sharaabka dhacay etc  maadama ay goobtii qashinka  qubka caasimada ay u dhawdahay dhismaha deegaanka caasimada  taas oo si fudud ugu dhex jiraan caruur aad u yaryar oo  guranaaya  kana raadinaaya waxyaabo ay ku daboolan baahida noolaleed ee haysata qoysaska ay kasoo jeedan waxyaabahaas  oo khatar caafimaad daro ku keeni noolashooda.

Waxaad arkaysaa gadiid qashin sida oo qashinkii uu ka daadanayo  hareeraha dhaliisha waxa ka masuul ah dawlada hoose ee caasimada

Waxa aan marna la hilmaami karayn  wadooyinka xidhan ee caasimada  qashinka  buux dhaafiyey  wadooyinka burburay waqtiga  xili roobaadka  iyo foolxumada  ku gadaaman  quruxdii ay lahayd  caasimada hargeisa  waxa u  fiican in moyarka  caasimada hargeisa uu si dhaqso ah uu isku casilo  si bulshada ku  nool hargeisa ay soo doortaan  aqoonyahan  masuul ah oo buuxin kara xilka moyarnimada caasimada hargeisa

Moyarka caasimada hargeisa oo ku fashilmay qorshaha nadaafada  caasimada iyo shirkadaha oo kula jira dawlada hoose heshiis qarsoodi ah

u dhaafay boqolaal caruura kuwaas  oo kasoo jeeda qoysaska ag degan  deeganka agagaarka  naaso hablood dump sites waxaan meesha ka maqnayn  cuntooyin iyo daawooyin dhacay  qashinka sunta warshadaha  pharmasiyada  cusbitaalada eeg fadlan waxyeeladaas   halista caafimaad daro                     where is the life  our poor childrens etc

breast feeding  nuujinta naaska Hooyadu waxa uu u fiican yahay Korniinka  jidhka caqliga iyo difaaca       caafimaadka Ilmaha yar waa in la nuujiya naaska hooyada  6 ilaa 24bilood  mudada korniinka ilmaha

Ha isticmaalin   cunto  sharaab  foodstuf caano daawo Waqtigeeda isticmaal uu dhacay ama uu ku yimid  Isbadal midab dhadhan  sida fooc daasada ama caged

A  sidoo kale  daxal  daadasho  taarikhda isticmaal oo Masaxan Badeecadaha  dhacay xumaaday waxa  keenan halis   Isticmaalkoodu halis caafimaad daro  la xidhiidh Dhakhso  laamaha fayadhowrka dawliga  police Station   ha ilaawin  cadaynta badeecada  muwadin

Dumsites ceespoll  goobaha qashin qubka  qashinka bulaacadaha  oo ay dhaaftay qorshahii  magaalooyinka dhiska iyo deeganka  godadkii loogu talo galay oo buuxsamay  hada qashinkii oo dul iyo hareero hoganaaya buuraha hareeraha biyo mareenada ur fayadhowr xumo  dul hoganaysa  maamulada dawlada hoose  ma jiro qorshe waxqabad  iyadoo xili roobadka ay qarka u saaran yahiin  halis caafimaad oo ka timaada waxyeelada qashinkaas

Waxa si khaldan loo maamulay qashin qaadistii iyo shirkadihii oo aan aqoon u lahayn ujeedada qashin ururinta iyo waxyeelada caafimaad daro ee ka iman karta  oo u baahan in la darso

Xogta  heerka waxqabad ee shirkadaha maaraynta qashinka magaaloyinka iyo  fahan aqoon la anta  dawlada hoose ee dalku ujeedada iyo hatafka ka dambeeya mashruuca ppp public private partnership  ee maraaynta qashinka  shirkadaha iyo dawlada hoose

2005 ayey ahayd markii  mashruucan lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka  ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro caasimada laguna daadiyo meel ka fog  magaalada

Sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heer  qashinka  looga faaidaysanayo  oo leh shaqo abuur baahsan  iyagoo raacaya kuna dhaqmaya  sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka

Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin  ee jidadka caasimada  in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurin  meel aan loogu talo  galin

Sidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay  ku daba galaan  shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka  hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi wayda  shaqadeeda in  maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadasho  shirkado buuxinaya  qodobada heeshiisku  dhigayo ma aha in ay heshiis  xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka  iyo  maamulada  shirkadaha

Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalka  oo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadista  qashinka

Ma jirto horumar  xirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku  halayn karayn  badbaado iyo km socod

Gadiidkas oo u badan  gawaadhi dhayne ah  af banana xiliga qashin  rarista qashinkaas oo ku daata jidadka caasimadaha dalka

Ma jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo  caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala  shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnayn  shaqada qashinka ururinya ma jirto  toosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeen  qashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada  caafiimad ee qashin ururinta

Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatan  qashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto  hubin xisaabin waxqabad  ee dakhligaas

Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada  qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray  qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalka  waxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka  waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagu  dhex gubo goobaha qashin  qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka

Qashinka hadhaaga suntan warshadaha  oo aan loo maamulin nidaam taxadir  sharci fayadhowr waxa uu sababaa in  daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo  biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay  dhaxalsiisay in  ay soo gaadho bulshadii  cuduro sababa  caafimaad daro iyo dhimasho xoogan

Foostooyinka suntan warshadaha  laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabis  ama dhiska guryaha loo isticmaalayo  fahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu  waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada  caasimada oo keeni kara fayadhowr xumo  iyo dhibaato deegan xumo

Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan  meel aan ka fogayn guryahooda  ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka

Waxaad aragtaan  qashinka oo daadsan jidadka caasimada waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraan  shaqooyinkoodi  gaarka  oo subaxnimo  ma jirto la xisaabtan  iyo maamul dawladeed  oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha

Waxa meesha ka baxday  wada shaqaynta shirkadaha iyo qaybaha  arimaha bulshada si loo  horumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka caasimada  ma jirto  wacyi galin  fayadhawr  ee shacbiga

Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan  bulaacadaha  booyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi  gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la socon  waqtiga ay qaadayan iyo goobta  ay gaynayaan

Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo  huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadka  caasimada  iyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadooda  gaarka ah

WQ: Dr BuuxIbraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com

0634130821

 

COMMENTS
LINKS