“Xayiraada Wargeysa Foore Waa Quful Ka Mida Qufulada Digtaatooriyada”.Cabdikariin Axmed Mooge | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xayiraada Wargeysa Foore Waa Quful Ka Mida Qufulada Digtaatooriyada”.Cabdikariin Axmed Mooge
February 11, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka hadlay xukunka isugu jira ganaaxa lacageed iyo xayiraad ay xukuumadu kula kacday Wargeyska madaxa banaan ee Foore.

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraal uu arintaasi kaga hadlayo ku baahiyay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan:-

“Xayiraada wargeysa Foore waa quful ka mida qufulada digtaatooriyada! Faalo warreed uu wargeys qoray oo ku saabsan madaxtooyada cusub iyo duuruufaha nololeed ee shacabka Somaliland, in Xayiraad iyo ganaax uu ku mutaysto wargeysku waa wax lala yaabo!! Anaga lehe xilligeedi lama joogo oo wax la aqbali karo maaha in aad na tidhaahdaan hal milyan iyo badh reer Somaliland ah ayaa macaluulli haysaa ee aduunkow caawimo nala soo gaadha iyo waxaanu dhisanaynaa madaxtooyo ku kacaysa lacag malayiin ah, waa laba aan is’ qabanayn.

Wadanka Pakistan Raysal Wasaaraha cusubi wuu ka guuray madaxtooyadii si uu kharashka badan ee madaxtooyada ku baxa shacabka wax loogu qabto! Adna adoo gajoonayaa ayaad doonaysaa in aad mid dhisato! Waa kala maanka aduunka.

 

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge

 

COMMENTS
LINKS