Ciidamada Booliska Burco oo Joojiyay Bandhig Buug Jacayl Ah iyo Qoraaga Buuga oo Ka Hadley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Burco oo Joojiyay Bandhig Buug Jacayl Ah iyo Qoraaga Buuga oo Ka Hadley
February 11, 2019 - Written by Reporter:

Burco (WJN)- Magaalada Burco ee gobolka Togdheer waxaa lagu joojiyay bandhig buug Jacayl ah oo ay ka soo qayb galeen dhallin yaro badan.

Buugga oo ka hadlayay arimaha jaceylka ayaa la sheegay inuu muran ka dhex dhaliyay magaalada, taasina ay dhalisay in booliska ay arrinta soo faragaliyaan oo ay xafladda joojiyaan.

Buugan “Hadyad Jacayl wuxuu ku saabsan yahay jacayl iyadoo ay dadku ka dheehan karaan dhammaan culuunta ku saabsan Jacaylka,” ayuu yidhi Cabdisamad Aw Daahir oo qoray buuga ah.

Haddii uu jacayl kali ah ka hadlayo buuggaasi maxaa sababay in booliiska magaalada Burco ay ka hor istaagaan ayaa la waydiiyay Cabdisamad.

“Waxaan fasax ka qaadanay maamulka iyo guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista, iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana xafladdii oo socota nalaga joojiyay mana aanan filay in ay Burco arrintaas ka dhacdo.” ayuu yidhi Cabdi Samad.

Dhallinyaro u muuqda in ay buuga la dhacsan yihiin oo gabdho iyo wiilal ah ayaa baraha bulshada soo dhigay iyagoo labo labo iyo ka badan oo u sawiran oo buugga labada dhinac ka haya.

Sawirradaas ayayna u muuqataa in ay qayb ka yihiin waxyaabaha loo cuskaday joojinta xafladda.

“Wadaadada xumaan reebista oo meesha joogay ayaa noosheegay in meesha ay dhaqan xumo ka jirto, ama ha is qabaan ama yayna is qabine in ruux dumar ah iyo nin rag ah in tay meesha soo istaagaan ay garbaha iyo dhexda is qabsanayaan ee bal arrintaas wax ka qabta,” ayuu yidhi Taliyaha booliska ee magaalada Burco Axmed Aw Cali Shabeel ayaa wax laga weydiiyay sababta xafladda loo joojiyay.

“Intaas ka dibna taliye ku xigeenkii qaybta iyo taliye saldhig ayaan u diray meesha, markii ay tageenna waxay arkeen buuq iyo sawaxan iyo dad dhexda is haysta, sidaa ayayna ku kala dareeriyeen, ayuu hadalka ku sii daray Taliye Axmed.

Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista ayaaa ka gaabsaday in ay arrintan ka hadlaan.

Cabdisamad oo qoray buuggan uu buuqu ka dhashay wuxuu sheegay in aan loo sheegin sababta xafladdii ay toddobaadka ka shaqaynayeen loo baajiyay wuxuuna ku adkaystay in buuggiisa aysan ku qornayn wax liddi ku ah dhaqanka iyo diinta.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/Nxu3_Ianp3o

COMMENTS
LINKS