WAJAALE NEWS

Kulan Dhexmaray Maayir Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa iyo Wasiirka Maaliyada

Hargeysa (WJN)- Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamuud Xaashi “Cagaweyne” oo ay weheliyaan guddoomiyeyaasha degmada Hargeysa, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka wasaarada horumarinta Maaliyada Somaliland dr. Sacad Cali Shire.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaarada Maaliyada, ayaa daaranaa sidii loo dardar gelin lahaa islamarkaana loo xoojin lahaa wadashaqaynta dhinaca cashuuraha ee ka dhexeeya Wasaarada Maaliyada iyo Dowlada hoose ee Hargeysa.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version