Boolis Mas ku cabsiiyay qof ay soo qabteen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boolis Mas ku cabsiiyay qof ay soo qabteen
February 11, 2019 - Written by Reporter:

Booliska dalka Indonesia ayaa raali gelin ka bixiyay kaddib markii nin ay soo qabteen ay ku cabsiiyeen Mas.

Muuqaal baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinayay booliska oo Maska ku cabsiinaya ninka oo katiinadeysnaa xilli uu qeylinayay cabsi darteed.

Ninkan ayaa la rumeysan yahay inuu xaday teleefoonada gacanta.

Saraakiisha booliska waxay sheegeen in tallabaadaasi aysan aheyn mid wanaagsan balse Maska uu ahaa mid la carbiyay isla markaasna uusan wax khatar geysan karin.

“Waxaan tallaabo adag ka qaadnay dadkii ka dambeeyay tallaabadan, saraakiisha wax jidhddil ah uma aysan geysanin ninka” ayuu yidhi Tonny Ananda Swadaya oo ka tirsan booliska dalkaasi.

Qareen ka tirsan hay’add u dooda xuquuqul insaanka dalkaasi ayaa sheegtay in booliska dalka Indonesia dhawaan guri ay ka buuxaan Masas ay ku xidheen dad lagu tuhunsan yahay inay taageersan yihiin gooni isu taagga gobolka Papua.

Warbixin kasoo baxday ha’yadaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ciqaabtan ay caado ka noqotay gobolka Papua.

Kooxaha ku sugan Papua ayaa muddo dheer halgan ugu jiray sidii gobolkaasi uu uga go’i la lahaa Indonesia inteeda kale.

COMMENTS
LINKS