Maxaad War Ka Haysaa Xawaalada Wastern Union Iyo Waxay Ka Shaqayso Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad War Ka Haysaa Xawaalada Wastern Union Iyo Waxay Ka Shaqayso Somaliland?
February 11, 2019 - Written by Editor:

Waa Qol yar oo madaw oo  aad u kulul oo ku yaala meel huluul ah, iyo luuq ku daba yaala bakhaar iibiya bagaashka oo ku yaal badhtamaha magaalada hargaysa agagaarka masjid jaamaca weyn.

Markaad sidaa u soo gasho waxaa ku qaabilaya wiilal yaryar oo didsan oo u  baala daymoonaya  sidii qof kootarabaan iibinaya ,Anfariir iyo afkala qaad ayay ku noqonaysaa qof kasta oo arka meeshan yar waayo waxan aan ka hadlayaa waa xafiis caalami ah oo dunida inteeda badan laga yaqaan  waa xarunta xawaalada wastern union .

Taasi ayaa igu  keentay  tuhun iyo dareen igu dhaliyay inaan u kuurgalo waayo waxaan iswaydiiyey maxaa xawaaaladan caalamiga ah ku kalifay meesha sidan u eeg inay ku shaqayso ?ta kale wali ma aragtay warbaahinta Somaliland wargays ha noqoto ama tv ama website xayasiinaya xawaaladan caalamiga ah ee wastern union  iyadoo waliba wadamada kale miisaaniyada ugu badan ku bixisa xayasiiska?

Xawaaladan western union  war badan kama hayaan dadweynaha iyo dawlada somalilandba oo xataa lama oga wakiilka rasmiga ah ee Somaliland  hadaba kaga bogo qormadan kooban.

Western union hargaysa kuma laha wakiil rasmi ah balse waxay hoos tagaan xafiis ku yaala muqdisho  waxaanay ay sheegayaan warar aan ka helayno ilo xog ogaal ahi in uu wastern union wakiil u yahay raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mudana Mahdi Maxamed Caalin, waana sababta inta badan loo qariyo wakiilka xawaaladan caalamiga ah.

Wastern union kuma laha macaamiil badan gudaha Somaliland oo ma isticmaalaan dadka caadiga ah iyo ganacsataduba hadana waxaa hargaysa ka soo gala dakhli aad u badan  xaguu ka yimaadaa?

Wastern union waxay dirtaa lacagaha magafayaasha  wax tahriibiya oo dhan iyo sidoo kale lacagaha  la isku gudbinayo ee aanu oalayn sharcigu waana sababta keentay inay xafiis ka dhigato qolkaa yare e madaw  wiilashan u shaqeeyana waxay shaki ka qaadaan qof kasta waayo way yaqaanaan macaamiishooda oo waxay ka cabsi qabaan in xukuumada Somaliland ogaato .

Geesta kale wastern union waxay adeegyo maaliyadeed u fulisaa xukuumada  madaxweyne farmaajo iyo villa soomaaliya waana halka la mariyo lacagaha  farmaajo u adeegsado social media  iyo shirqoolada iyo hawlaha uu rabo inuu ka fuliyo gudaha Somaliland .

Si kastaba ha ahaatee waxaan ku baraarujinayaa xukuumada Somaliland iyo shacabkaba inay u kuurgalaan hawlaha ay ka wado wadanka wastern union isla markaana warbaahinta somalilad wax ka ogaadaan sababta xogteeda iyo xayasiiskeedaba loo qariyey

La soco xog faahfaahsan  oo ku sahabsan shirqoolada xawaaladaha ay ka mid tahay wastern union

Liibaan jaamac

Hargaysa

somaliland

Liibaan546@gmail.com

COMMENTS
LINKS