Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaadanaya Guddida Doorashooyinka Si Uu Mawqifkiisa Kala Dirista Komishanka Ugu Bandhigo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaadanaya Guddida Doorashooyinka Si Uu Mawqifkiisa Kala Dirista Komishanka Ugu Bandhigo!!
February 12, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N):-Xubno ka tirsan Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa dalka dib ugu soo laabtay. Xogo wargeyska Waaberi helay ayaa tilmaamaya in xubnahan uu sugayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si uu kulan ula qaato todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka. Kulanka oo la filayo in uu maalmaha soo socda qabsoomo ayaa la filaya in madaxweynuhu kala hadlo xubnaha Komishanka arrimo ku saabsan muranka hadheeyay ee ah in la kala diro.

Wararku waxay intaas ku dareen in madaxweyne Biixi doonayo in guddida uu kala hadlo sidii ay xilka u bannayn lahaayeen, iyada oo guddida lafteedu aan ku adadkayn sii joogista xilka maaddaama mudda xileedkoodu ka soo horeeyo doorashada Wakiillada oo muranka Komishanku caqabad ku noqday.

Geesta kale xogo wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in madaxweyne xigeennadii hore ee Somaliland iyo ergooyin wehelinayay oo hore kulamo ay qabanqaabiyeen xisbiyadu ugu kala kaceen dib u abaabulayaan dhexdhexaadin udub dhexaadkeedu yahay sidii guddida doorashada ee aan wakhtiga badan u hadhin xilka uga tagi lahaayeen si loo helo Komishan lagu wada kalsoon yahay oo dardar geliya qabsoomidda doorashada dhammaadka sanadkan qorshaysan.

Siyaasi Axmed Cali Ubaxle oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa waraysi uu shalay siinayay telefishanka Somali Cable ku sheegay in loo baahan yahay in Komishanku arrinta fududeeyo oo iscasilo “Waxaan jeclaan lahaa guddida Doorashada laftoodu dad badana way yidhaahdeene dalka iyo dadka in ay u daneeyaan oo iyaga oo aan cidna dambi ka gelin ay iscasilaan oo yidhaahdaan ‘haddii ay anaga arrintii(Doorashadii) noo taaggan tahay billaa caleeg halkaas ayaanu dhignay ee ummadda reer Somaliland eey ka taliya’ in ay yidhaahan baan jeclaan lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ubaxle.

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Siciid Cali Muuse, Komishaneer. Cabdifataax Ibraahim Xasan iyo Komishineer Maxamed Jaamac Maxamed.oo dalka dibaddiisa ku maqna ayaa dhawaan soo laabtay kuwaas oo hore wargeyska Waaberi u sheegay in madaxweyne Biixi sugayo si uu mawqifkiisa Komishanka ugu bandhigo taas oo maalmaha foodda inagu soo haya la filayo in ay kulmaan.

Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi cadaadis ku saartay inay xaliso muranka la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka , kaasi oo ay ubucdiisu tahay qaddiyadda la xidhiidha 7 xunood ee Komishanka doorashooyinka in xal laga gaadhi inta ka horaysa bisha Maraaj si ay doorashadu ugu qabsoonto wakhtigii loogu talagalay,

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dedaalayaa sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigaa loo qoondeeyey, isla markaana tixgelinayaa dhawaaqa Beesha caalamka ayaa hadda isku diyaarinayaa inuu xal ka gaadho qaddiyadda Komishanka Doorashooyinka,iyada oo uu murankaa Komishanku ahaa carqalad soo taagnayd in badan isla markaana dib u dhigay doorashadii mudaysnay inay dalka ka qabsoonto Bisha Maraaj ee sanadkan.

WAJAALENEWS DESK

XIGASHO WARGAYSKA WAABARI;

 

COMMENTS
LINKS