Akhri; Baaq Uu Soo Saaray Ururka Midnimada Direed: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akhri; Baaq Uu Soo Saaray Ururka Midnimada Direed:
February 12, 2019 - Written by Editor:

Akhri; Baaq Uu Soo Saaray Ururka Midnimada Direed:

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Ku: Raiisal wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Itoobiya mudane Abiy Ahmed

Ku: Madaxweyne Dawlada deeganka Somali State mudane Musafe Cagjar

Ku: Saxaafada Afka Somaliga iyo saxaafada Dalka Itoobiya.

OG: Gudoomiyaha XDSHSI mudana Ahmed Shide.

Ujeedo Baaq:

Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, Cuqaasha, saraakiisha, siyaasiyiinta,

aqoonyahanka iyo waxgaradka beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka

Midnimada Direed (UMD) waxay ku baaqayaan,

  1. In aanay aqbali doonin go,aanka uu ku dhawaaqay madaxweynaha

dawlad degaanka Somali State mudane Mustafe Cagjar ee uu ugu

cimaamaday amniga Somali State malayshiyadii ONLF ee beesha

Ogaadeen iyo malayshiyadii LIYUU POLICE ee isla beesha Ogaadeen.

  1. In aan lagu aamini karin amniga Somali State labadaas malayshiyo ee

isku reerka ah ee hore xasuuqa, barakicinta, dil, boobka iyo dhaca ugu

gaystay umadda degta Somali State.

  1. In loo baahanyahay in la dhiso ciidamo amni oo ay kuwada

kalsoonyihiin, kana wada dhexmuuqdaan dhamaan umadda degta

Somali State.

URURKA MIDNIMADA DIREED

Ugu dambeyntii Ururka Midnimada Direed wuxuu madaxweyne Musafe Cagjar usoo jeedinayaa inuu muujiyo hogaamin ku dhisan xaqsoor iyo

cadaalad, oo uuna dhiso dal iyo dawlad la wadaleeyahay, kana xoroobo qabyaalada iyo nidaamka reernimada ku salaysan.

Fiiro gaar ah: Ururka Midnimada Direed (UMD) waxaa ku bahoobay afarta

haamood oo ay ka kooban yihiin beelaha Dirka, oo kala ah Madaxweyne Dir,

Maha Dir, Madoobe Dir iyo Madaluug Dir.

Wa bilaahi towfiiq

Febraayo 10/2018

Ibrahim Ali Adan

Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed (UMD)

COMMENTS
LINKS