Abwaan Siciid Ibraahim Dool Ka Hadlay Jiilka Cusub Ee Soomaalida, iyo Dhaqanka Doorsoomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Siciid Ibraahim Dool Ka Hadlay Jiilka Cusub Ee Soomaalida, iyo Dhaqanka Doorsoomay
February 13, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Soomaalidii hore iyo tan maanta joogta ayaa waxyaabo badan oo dhaqanka iyo noolashaba ah ku kala duwan yihiin, sida uu sheegay Abwaan Saciid Ibraahim Dool.

“Wakhtigii hore nolosha umaddeenu salkay ka fadhiday, macno waynna waxay ahayd qof dhulkiisa ku kalsoon, maalkiisa ku kalsoon, magaciisa ku kalsoon, salka ayaana laga fadhiyay, ayuu yidhi abwaan Siciid.

Abwaanka oo noloshaas hore maanso ku cabiraya ayaa ku hal qabsaday saaxiibkii abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib wuxuuna yidhi:

      Janno gale jinsiga qaaliboow jaalahayow heedhe

      Taladaynu jeexjeexaynaa waa mid jiritaanne

      Bal jeedaali nolosheennu way kala janjeertaaye.

      Bakiin jananka joogaa markuu jiirka dabanaayay

      Ama jasadka doofaar jacbur ah Yurubtu jiidaysay

      Ee gaajo jinac loo dubtee juuca lala liitay

      Jabadkeennu qani buu ahaa loo jamiray maal

      Jinawgiyo karuurkaa ku jiray jaarka iyo dhiil e

Murtidan oo intan ka dheer hoosna aad ka dhagaysan karto ayuu abwaanku ku soo gunaanaday:

      Markii uu dadkiisii jabee jiilo kala raacay

      Ee ay jamashadii leexatuu aasmay toban joog e.

Haddaba maxaa is badalay?

“Caqli ahaan markaan kayga ku cabiro wallow aan shaqsi ahay horta dadku waa dadkii laakiin waa la doorsaday baan odhan karnaa,” ayuu yidhi abwaan Saciid.

“Tusaale ahaan xoolaha aan dhoofinno waan dhufaanna si aysan ugu dhallin cidda aan ka gadaynno, sidaas oo kale ayaa innana aqoon dhufaanan la inoo keenay ayaan odhan karnaa,”

Wax kale daayee dhadhanka iyo labiska xataa dad kale ayaa inoogu macallin ah, barigii horana inaga ayaa waxeenna isugu macallin ahayn,” ayuu yidhi Abwaanku.

Abwaanka ayaa waraysiga uu BBC-da siiyay ku soo gabogabeeyay maanso uu u bixiyay Tiih oo gunaanadkeedu yahay:

      Kuwaannu taxaabayniyo tagoogaha kuwa ku jira tilmaansada yaan niraah

      Tusmada waxaan uga socdiyo tusaaluhu waa cad yee su’aashu waxay u taal

      Bulshadan la tabcaamiyee wareerka la tiihaysaay, ma adaa marka tiir la rabo tukubo boocaha ka jara

      Ma adaa tiin qodax leh iyo taabkaada ku beerta ciin haddana timir aad cuntiyo tufaax bisil lab ka jecel.

 

Halkan hoose ka dhagayso wareysiga Abwaanka

COMMENTS
LINKS