Barnaamijka Casriyeynta Caasimadda iyo Doorka Nootayooyinka oo Laga Furay Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barnaamijka Casriyeynta Caasimadda iyo Doorka Nootayooyinka oo Laga Furay Hargeysa
February 13, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa laga furay  barnaamijka casriyeynta caasimadda iyo doorka Nootayooyinka.

Masuuliyinta Ha’yadda GIS, Wasiirka Wasaaradda  Caddaaladda,  Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha , maayar ku xigeenka Caasimadda iyo masuuliyin kale ayaa ka qayb galay munaasibadaas, waxaanay xuseen in nidaamkani uu caddaynayo mulkiyadaha guryaha iyo goobaha ay ku yaalaan oo si casriya loogu diwaan geliyey khariiradda magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha barnaamijka casriyeynta caasimadda Hargeysa  Eng. Ibraahim ayaa sharraxay nidaamka isku xidhaya Nootaayooyinka iyo GIS-ka casriga ah ee caasimadda , waxaanu yidhi “Barnaamijkan casriga ahi wuxuu  u tarayaa  Nootaayooyinka, bulshada, dawladda hoose iyo dawladda dhexe, notaayooyinka waxa looga baahan yahay in ay isticmaalaan nidaamka casriga ah ee lagu shaqeeyo.”

Wasiir ku xigeenka  Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa  iftiimiyey kaalinta ay Nootayooyinku ku leeyihiin adeegyada  bulshada, waxaanu yidhi  “Xil weyn ayaa idinka saaran hantida ummadda ee liiska la idinku siiyey oo aheyd waxay ummadda dawladdu ugu adeegayso, barnaamijku waxa uu inoo dhib yaraynayaa in cid kasta oo hawsha ku jirtaa aynu helno.”

Wasiirka Cadaaladda Somaliland,  Cabdiqani Maxamuud Cateeye,  ayaa maamulka dawladda hoose ee Hargeysa ugu mahadnaqay barnaamijka ay soo diyaariyeen, waxaanu xusay in Wasaaradda Caddaaladdu kala shaqeyn doonto barnaamijka casriyeynta caasimadda Hargeysa, waxaanu yidhi; “Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ee barnaamijkan diyaariyey waan uga mahanaqaynaa  waxaan u balan-qaadaynaa dawladda hoose ee Hargeysa in aanu ka caawinayno oo kala shaqeynayo barnaamijka casriyeynta caasimadda iyo doorka Nootayooyinka.”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS